|
|||||
WAJAALE NEWS
“Wuxuu Dareenkaygu is Badalay Markay Dahabkoogii ku Deeqeen”Wasiirka Madaxtooyada Jamuuriyada Somaliland.
October 18, 2013 - Written by Wariye:Burco(Wajaale News):-Wasiirku Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan oo shalay ka soo Baqoolay Dhinaca Magaalada Ceerigaabo oo uu ku sugnaa maalmihii u danbeeyey kana waday olole la xidhiidha Qaadhaan ururinta Dhismaha Jidka isku xidha ceerigaabo iyo Burco ayaa aad ugu riyaaqay dareenkii uu kala kulmay shacabka reer sanaag, Qoraal kooban oo uu kaga hadlay Wixii uu la kulmay iyo inu dhiirigelin sidii hore kasii badan kala kulmay reer sanaag ayuu ku baahiyey Bogga uu ku leeyahay Facebook iyo Bloggiisa gaarka ah waxanu yidhi: Waxay ahayd Shalay kadib markii dareenkaygu is badalay aanan markale go?aan adag ku sii qaatay in aan u tafa xaydano hirgalinta waddada isku xidhi doonta Burco iyo Ceerigaabo oo sanado badan dayacnayd, waxay ahayd shalay kadib markii aan fagaaraha khayriyada ee Ceerigaabo aan kala hadalnay bulsho waynta ku dhaqan degmada Ceerigaabo anagoo uuga dan lahayn dardar galinta iyo diyaar garaynta Bulshada degmada Ceerigaabo in ay si mug leh uuga qayb qaataan waddada sanadaha badan curyaamisay horumarkii Gobolkaasi lahaa, Waxay ahayd shalay kadib markii kumanaan iyo kumanaan xoolo ah lagu balan qaaday si loogu dhiso dawga Burco iyo Ceerigaabo ?Wankaaga ku Wanaaji Wadadaada? wuxuu kamid ahaa hal ku dhagyadii ay isku dardar galinayeen bulshada ku dhaqan Guud ahaan Gobolka Sanaag. Waxay ahayd uun shalay kadib markii guud ahaanba dareenkaygu is badalay farax iyo rajo badana aan ka qaaday ruux dumar ah markay qoorteeda Silis dahab ahaa ka soo furtay isla markaana cod geesinimo leh ku tidhi quruxda qoortayda waxaa ka qiimo badan quruxda Jidkayaga!!!!!! Waxay ahayd uun shalay kadib markay reer Sanaag go?aan cad ku sheegeen in aanay u dul qaadan doonin gabadh dambe oo umul aroorta. Waxay ahayd uun Shalay kadib markay Kumaanan waraaqo ?Contribution? ah ku soo buuxiyeen lacago ay ku yabooheen bulshada reer Ceerigaabo in kamidana lacag cad ?Cash? ku dhiibeen Waxay ahayd Shalay maalin qiimo badan, dareen badan, go?aan badan, qiimo badan. Insha Allah waynu dhisan karnaa waynu qabsan karnaa hadii Alle inoo ogolaado oo aad idinkuna dedaalka iyo qalbi wanaagaa aad hada ku qaabisheen sii wadaaan, Waynu Qaban Karnaa, Waynu Dhisi Karnaa Hadii aynu isku Duubni La Nimaadno? Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|