|
|||||
WAJAALE NEWS
Wefti Ka Socda Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Socdaalay Dalka Masar Oo Ay Marti-qaad Rasmi Ah Ka Heleen
October 25, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):- Wefti Wasiirro iyo xubno kale isugu jira oo ka socda Somaliland, ayaa safar shaqo ugu kicitimay dalka Masar, halkaas oo ay kula kulmi doonaan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda Masar, ka dib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen Madaxda waddankaas. Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Wasaaraddaas Axmed Yusuf Cilmi (Suudi), ayaa lagu faahfaahiyey xubnaha Weftigaas iyo ujeeddada safarkooda, waxana lagu sheegay in Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibedda oo ay xubin ka tahay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland ay safar shaqo ugu baxeen dalka Masar. Waxaanu qoraalka War-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:- “Wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee Somalilland Mudane: Maxamed Biixi Yoonis oo ay ku weheliyaan Wasiirrada Waxbarshada Somaliland Marwo ZAMZAM CABDI ADAN iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda siyaasadda ee Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, ayaa shalay oo ay bishu tahay (ahayd) 24/10/2013 safar shaqo ugu ambobaxay magaalada Qaahira ee xarunt dalka Masar, safarkan waxa uu ku yimi casuum rasmi ah oo ka timi Wasiirka khaarajiga dalka Masar. Weftigu waxa uu ku sugnaan doonaa dalka Masar muddo 5 maalmood ah oo ay kulammo kala duwan la yeelaan doonaan Wasiirrada khaarajiga iyo Waxbarashada ee dalka Masar, taasoo lagaga hadli doono xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Somaliland iyo Masar iyo sidii dalka Masar innooga caawin lahaa xagga Waxbarasha iyo kordhinta Deeqaha waxbarasho ee dalka Masar siiyo Somaliland, iyo sidii maalgashi dalka Masar uga sameyn lahaa dalka Somaliland. Dhanka kalena, Weftigu waxa uu kulammo la qaadan doonaa Saraakiisha uga sarreysa Jamacadda Carabta oo lagaga hadli doono sidii Somaliland iyo Jaamacadda Carabtu xidhiidh iyo iskaashi u yeelan lahaayeen. Safarkani waa safarkii ugu horreeyay ee Wasiirka Khaarajiga Somaliland ku tago dalka Masar intaa uu xilka la wareega bilo ka hor.”
Wajaale News Hargaysa Office Info:wajalenews@gmail.com Related posts:Halkan Toos Uga Daawo:Ciyaar aad U Xiiso Badan Oo Maanta Dhex Marasa Labada Xul ee Xaysimo Iyo Awdal Guddoomiyaha Gobalka Salal Oo Ka Dayriyay Xaalada Jidka Isku Xidha Magaalooyinka Saylac iyo Lawyacad... War Deg Deg Ah:- Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay La Wareegayso Libaaxyada Cali Waran Cade. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|