|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxa La Xidhxidhay Maaha Xildhibaano Kaliya Ee Waa Shacabkii Reer Gabiley Oo Dhan Ee Codkooda Kusoo Doortay Xildhibaanada Jeelasha Ku Jira” …..Axmed Muumin Seed.
October 31, 2013 - Written by editorGudoomiye ku xigeenku isaga oo ka hadlaya arrintan waxa uu yidhi ?Waxa aan cambaaraynayaa xadhiga ay xukuumaddu kula kacday xildhibaanada golaha degaanka ee Gabilay
Hargaysa(Wajaale-News)Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Mudane Axmed Muumin Seed ayaa maanta si kulul u cambaareeyay xadhiga ay xukuumaddu kula kacday xildhibaanada ay shacabku soo doorteen ee golaha degaanka Gabilay.
Gudoomiye ku xigeenku isaga oo ka hadlaya arrintan waxa uu yidhi ?Waxa aan cambaaraynayaa xadhiga ay xukuumaddu kula kacday xildhibaanada golaha degaanka ee Gabilay, waxa aan leeyahay waa talaabo nuqsaan ku ah doorashooyinkii aan galnay iyo
Mar kale waxa uu gudoomiye ku xigeenku ka dareen celiyay safar ay dhawaan ku yimaadeen Boorama wasiiro ka tirsan xukuumada kaasi oo ku aadanaa dhinaca tahriibta waxana uu yidhi ?Waa layaab wasiiro wacyigalin wada oo leh waxa aan dhalinta ka wacyigalinaynaa tahriibta, waxa aan leeyahay wacyigalin laydinkama sugayne wax qabad muuqda oo dhalinta lagu badbaadiyo ayaa laydinka sugayey, waxa ay xukuumaddu gacanta ku haysaa hantidii shacabka, waxa ay ahayd inay samayso shaqo abuur cadaalad ku salaysan, waxana aan aaminsanahay in dadka dhalinta ah ee dalka ka yaacayaa ay ka baxsanayaan Cadaalad darada, eexda iyo qaraabo kiilka xadhkaha soo goostay ee kor u kacay inta ay xukuumadan Kulmiye jirto?
WAJAALE NEWS DESK CONTACT US : Wajalenews@gmail.com Related posts:Shil Gaadhi Ka Dhacay Wadada Labada Boqol Ee Waqooyiga Magaalada Hargaysa Iyo Khasaaraha Dhimasho Iy... DAAWO;-Dawlada Jabuuti Oo Ku Dhawaaqday Laba Qof Oo Qaba Caabuqa Coronavirus Iyo Awaamiirta Ay Soo R... Madaxwaynaha DDSI Mustafe Cagjar Oo Sheegay In Calanka Itoobiya Lagu Dhibaateeyo Dad Somali Ah. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|