|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Qorshaynta Oo Sheegay Inay Xukuumad Ahaan Gabiley Ay Degmo Uga Tirsan Tahay
October 28, 2013 - Written by Wariye:Gabiley(Wajaale News)-Boqolaal Qof oo kamid ah Dadweynaha kunool Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley ayaa, barqadii saaka isugu sooxoomay Xarunta Maamulka D/hoose ee Degmada Gabiley halkaas oo Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranku Dr Sacad Cali Shire kula hadley Dadweynaha isagoo u sheegaya in Gabiley Xukuumad ahaan ay Wakhtixaadirkan ugu sun tahey Degmo oo aaney ku xisaansaneyn heerka Gobolnimo arintaas oo buuq iyo muran xoog leh ka dhalisey Gudaha Magaalada Gabiley kadib markii Reer Gabiley ka biyo diideen WeedhaWasiirka Qorsheynta. Dhinaca kale Marka Gabiley loo qiimeeyo xiliga Xukuumadihii horeMarxuum Cigaal iyo Madexweyne Rayaale waxey, aad uga duwan taheyXukuumadan, oo ay Reer Gabiley ka filanayeen Waxyaabo badanhaseyeeshee, haduun bilowdey in la aaso Xuquuqdeeda Aasaasiga ah marka Arimaha . Doorashooyinka laga hadlayo Xukuumadii Madexweynihii Geeriyooday ee Marxuum Cigaal waxa uu Gabiley u aqoonsadey in la midtahey Lixda Gobol iyo Gabiley oo Doorashooyinka soo raacdey buuxiseyna Shuruudihii looga baahnaa markaa, inkastoo aan Gobolka loogu dhawaaqinwaxey la qindi noqotey Goblada lixda ah Saaxil, Maroodi-Jeex, Awdal,Togdheer, Sanaag iyo Sool iyadoo Xukuumadii ka dambeysay ee MadexweyneRayaalena Gobolka ugu dhawaaqdey iyadoo, u ixtiraami jirtey,istaraatijayadii Xukuumadii ka horeysay ee Marxuum Cigaal dhinacaDoorashooyinka iyo Waliba Degmooyinka Hurmuudka Garade(A) oodhameystirey Duruufaha dhaqaaleed iyo kaalinta ay qaadi karto oo lamidah Xubnaha Golaha Deegaanka ee dhameystiran oo lamid ah MagaalooyinkaXarumaha Goboladaas aan soo sheegney.Sikastaba ha ahaatee Xukuumada Madexweyne Siilaanyo oo markii ay aheydXisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Gabiley ubalanqaadey balanqaad beenah oo ku saleysnaa labadii doorasho ee Madaxtooyo oo dalka kasoodhacey Xiligaas oo Madexweyne Siilaanyo markii uu ahaa GudoomiyahaXisbiga Kulmiye ee Mucaaridka ahaa tiraba sadex jeer ayuu fagaarayaalay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Reer Gabiley u badnaa ay usoocamireen kaga dhawaaqey in uu Xisbigiisu Gabiley u aqoonsan yaheyGobol taas, oo hada beenowdey marka laga eego dhinacyo badan.Iyadoo Reer Gabileyna ay Mudooyinkan dambe u gows qaniinsanaayeen waxauu inta badan usii dhaafo una soo dhaafo ee kalifey colaad mug weyniyo Calool Xumo Madexweyne Siilaanyo u qaadey kadib markii uu noqdeyMadexweyanaha.
Wajaale News Hargaysa Office Info:wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|