Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Ka Hadlay Heshiis Dhex Maray Dawlada Somaliya Iyo Qaramada Midoobay Oo Ku Saabsan Hawada, Faah Faahina Ka Bixiyey Waxa Uga Qorshaysan Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Ka Hadlay Heshiis Dhex Maray Dawlada Somaliya Iyo Qaramada Midoobay Oo Ku Saabsan Hawada, Faah Faahina Ka Bixiyey Waxa Uga Qorshaysan Somaliland
October 12, 2013 - Written by Wariye:

wasiirka dulista iyo hawadaHargeysa(Wajaale News):-wasiirka duulista iyo hawada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi  ayaa maanta ka hadlay heshiis dhex maray hay?adda qaramada midoobay u qaabilsan hawada dalkii laysku odhan jiray somaliya ee Icao.

Wasiirka duulista Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in haddii uu heshiiska dhex maray labadaas dhinac uu ka hor imanayo heshiiskii hore ee dhex maray wadamada Somaliland iyo somaliya ay xukuumada Somaliland qaadan doonto talaabooyin saamayn ku yeesha qaramada midoobay iyo wadanka somaliya.

Ugu horayn wasiirka duulista oo ka hadlaya heshiiskii dhex maray Somaliland iyo somaliya ee la xidhiidhay maamulka hawada ayaa waxa uu yidhi ?maamulka hawada somaliland iyo somaliya arintaas oo soo martay marxalado badan iyo muran xoog leh guntii iyo gabagabadiina aanu waddanka somaliya moodaynay inaanu wax meel isla dhignay, beesha caalamka iyo qaramada midoobayna ay waajib ku tahay  wixii aanu ku heshiinay inay meel mariyaan oo ay nagu kala saaraan waxna noogu qaybiyaan, haddii ay markii hore mku guul daraysteen inay si wacan wax noogu qaybiyaan.?

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxa uu ka hadlay sida ay ku timid in hawada wadankii la odhan jiray somaliya gacanta loo galiya dawlada muqdisho waxaanu yidhi ?qaramada midoobay ayaa markii hore maamulaysay  hawada somaliya iyo Somaliland ilaa  1994 wakhtigaas oo qaramada midoobay heshiis ay ansixiyeen ay ugu gacan galiyeen somaliya iyada oo heshiisku dhigayey in  si ku meel gaadh ah ay u maamusho hawada qarankii la odhan jiray somaliya qaramada midoobay, waxaanu heshiiskaasi caddaynayaa in lagu wareejin doono marka ay dhalato dawlad somaliyeed oo xukunta dhamaanba wixii laysku odhan jiray somaliya, taasina waxay meesha ka saaraysaa in dawlad somaliyeed oo xukunta qarankii somaliya aanay awoodeedu saamaxayn dunidana cidina isma jujuubto ee wixii lagu kala raali yahay ayuunbaa wax lagu meel mariyaa.?

Wasiirka duulista Somaliland waxa uu sheegay inaanay marna Somaliland aqbali doonin in hawadeedada laga maamulo wadanka somaliya isla markaana  aanay qaramada midoobay ka aqbali doonin in hawada Somaliland laga maamulo muqdisho waxaanu yidhi ?aniga oo tixraacaya wasiirka dawlada somaliya u qaabilsan hawada ee dhigayga ah oo  shir jaraa,id ku qabtay madaarka muqdisho kaas oo ka hadlaya in hawadii somaliya oo dhan ay qaramada midoobay ku wareejiyeen lagana maamuli doono muqdisho hawada somaliya la odhan jiray, waxaanan halkan ka cadaynayaa inaanay marna Somaliland aqbali doonin in hawadeeda laga maamulo muqdisho, qaramada midoobayna  iyo cid kale toona aanan ka yeelayn in hawada dalkii la odhan jiray somaliya loo maamulo sidii aanu ku heshiinay si aan ahayn,haddii wasiirka duulista  somaliya ay xukuumadiisuna kula socota hadalada noocan ah inay burinayso balan ka baxna ay ku tahay wixii aanu ku heshiinay, iskuna soo wada duub oo Somaliland marna aqbali mayso in hawadeeda laga maamulo muqdisho oo cid gaari maamulato oo somaliya si gaar ah u maamusho.?

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland waxa uu beesha caalamka iyo wadanka somaliya uga digay in hawada wadankii la odhan jiray somaliya laga abuuro qalalaase isaga oo sheegay inay masuuliyadeeda dusha ku qaadan doonaan qaramada midoobay iyo dawlada somaliya waxaanu yidhi ?qaranka Somaliland waxa uu uga digayaa beesha caalamka iyo wadanka somaliya cawaaqib xumo ka dhalata ka ganacsiga hawada dalkii laysku odhan jiray somaliya oo qalalaase  iyo xasilooni daro ku soo korodho, hawaduna waa arin xasaasiya mana dhaqdo is qabqabsi haddii loo tudhi waayana waxa run noqon doonta inaan anaguna u tidhi doonin, haddii arintaas ay qaramada midoobay ku adkaysato waxaanu kala galaynaa wada hadal toos ah waxaanu u diraynaa wafti miisaan leh oo dawladeed haddii ay kaliftana ilaayo xarumahooda ayaanu gali doonaa, waxaanu kala hadli doonaa in dawlada somaliya ay ka baxday heshiiskii noo dhaxeeyey in kale  hadii ay ku cadaatana waxaanu qaadan doona go,aamo iyo talaabooyin adag oo saamayn ku yeesha qaramada midoobay iyo wadanka somaliya.

Wajaale News
Hargeysa Office
Info wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS