|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Caafimaadka Oo Masuuliyiinta Xafiiska Xakamaynta TB-da Ku Kalifay Inay Warbixino Is-Khilaafsan Ka Bixiyaan Heerka Xanuunka Qaaxadu Ka Marayo S/Land+Akhriso
October 4, 2013 - Written by Wariye:
Waxaana ilo wareedyo Wargeyska Haatuf uu helay ay sheegeen in shirkad jaraa?id ee shalay ?Anniga oo ah masuulka cisbitaalka TB-da ee Magaalada Hargeysa, ogna xogta cisbitaalkaasi, ma jirto qaaxo kor u kacday ilaa tobankii sanadood ee u dambeeyay, annigu lix sanadood ayaan cisbitaalka joogay, waan hayaa xogtii imika iyo xogtii horeba, ma jirto qaaxo si caadi ah iyo si qayral caadi ah kor ugu kacday, qaaxadu waxay ku socotaa layn u muuqda inay xakamaysan tahay oo u muuqda inay sanadba sanadka ka dambeeya ayay hoos u sii dhacayso, waxay u muuqataa inuu shaqeynayo qorshaha Wasaaradda Caafimaadku ugu talogashay lagu xakameeyo iyo mashruuca loogu talo-galay in lagu xakameeyo qaaxada, sidaa daraadeed waxaan rejaynayaa in wakhti ka mid ah wakhtiyada aynu qaaxada tirtiri doono?. Agaasimaha Xafiiska Xakamaynta Xanuunka TB-da ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Ismaaciil Aaden Cabdilaahi, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruuca la dagaalanka TBd-du si fiican u socdo isla-markaana aanay jirin sare u kac ku yimid Xanuunka Qaaxada kaas oo sidoo kale si cad u dafiray Warbixintii uu isagu ku amray inuu Wargeyska Haatuf siiyo Madaxa Wacyi-galinta ee Xafiiskiisaasi.xigasho/haatuf. Wajaale News Related posts:Ey iyo Fardo loo Tabarayo Ammaanka Muqdisho Markii Boolisku Shaqadooda ku Guul-darraystay iyo Wasiir... Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Dhaam Biyood Laga Hirgaliyay Deegaanka Diin Go... “Waxaanu Ugu Baaqaynaa Bulshada Caalamka Iyo Ururada Samafalku Inay Gurmad Bani-Aadamnimo Ay La Soo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|