|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Fariin Hanjabaad Ah U Direy Shirkadaha Is-gaadhsiinta Telefoonada Ee Dalka Ka Hawl-gala
October 29, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News): Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Warancade ayaa ugu hanjabay Shirkadaha Isgaadhsiinta Telefoonada ee dalka ka shaqeeya,haddii ay si deg-dega wax uga qaban-waayaan xadhkaha Telefoonada ee dusha mara ee bilic-xumada foosha xun ku haya Caasimada inay ku ganaaxi doonaan lacag fara baddan,isla markaana waxa uu si mug leh uga hadlay marmar ay dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa dhigeyso wajahadaha meheradaha ku dhexyaala badhtamaha Caasimada iyo dhir-beeris-ba.Wasiir Waran-cade waxa uu sidaa ku sheegay mar uu Xalay ka hadlayey meheradihii ugu horeeyey ee hortooda marmarla dhigay, iyo qorshaha suuqa-weyn ee Caasimada Hargeysa lagaga dabar-jari lahaa Ciida fool-xumaynaysa bilicda magaalada,isla marka loo dhigi lahaa marmar, iyada oo loo sameynayo biyo-mareenoWasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed WarancadeWasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Warancade ayaa waxa uu si weyn u amaanay Caasimada Somaliland ee Hargeysa,isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi”Magaaladani (Hargeysa) waa Caasimadii Somaliland, waa magaalo qurux baddan halka ay ku taalo Buuro ayaa ku wareegsan,hawadeedu waa mid aanad habeen iyo maalin ka xiisa goynayn,waxaad is odhanaysa waxa loogu tallogalay inay dadku ku noolaadaan uun”.Md. Cali Warancade waxa uu sheegay inay doonayaan sidii ay Caasimada Hargeysa suuqeeda looga dabar-goyn lahaa Camuuda,isla markaana meheradaha suuqa hortooda wada marmar looga dhigi lahaa “Waxaynu caawa (Xalay) halkan isugu nimid inaynu Camuuda ka dabar-jarno magaalada Hargeysa gudaheeda haddii ILAAHAY yidhaahdo, oo Insha Allaahu ay noqoto inay dadku todobaadkii hal-mar Kabaha baalasheeyaan,halka imika subixii iyo habeenkii la baalasheeyo,oo Magaalada inta badhtamaheeda ah iyo halka ay laamiyadu maraan inaan dhamaan gaadhsiino laamiyada iyo wajahada hore ee aqalka oo aan la arag meel kaliya oo Camuud ah,waxaynu gaadhi doona in dhowrkii cishaba loo baahdo in mar la xaadho Magaalada Hargeysa, oo camuuda yar ee kabuhu meelaha fog kala yimaadaan in laga xaadho, taas ayeynu maanta (shalay) wadnaa, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inuu inagu guuleeyo”.Ayuu yidhi Warancade waxa uu ka codsaday meheradaha ku yaala Suuqa inay meherad-waliba dhiseyso horteeda oo ay geed ku beerto.”Waxa kale oo aan jecelay inaan caawa (Xalay) halkan uga soo jeediyo inay meherad waliba ama Guri waliba inay laba Geed hortooda ku beeraan, qofka meherada lihi isaga ayaa waraabinaya, dawlada hoose iyo qolada ka shaqeysa nadaafadu way ku ilaalinayaan,qolada meherada ee loo yimaado iyaga oo aan daryeelin geedka ay hortooda ku beeraan waa la ganaaxi doona, ragga ku ilaalinayaa waxa weeyaan rag af-yaqaana Dhirta oo anigu waan af-aqaana dhirta, Xayawaankana waan af-aqaana. Dhirtana waxa lagu beeri doona line siman, markaa waxaan fileynaa inay magaaladani (Hargeysa) noqoto magaalo Cagaaran oo ay nadiif noqoto”.Ayuu yidhi Md.Cali Maxamed Warancade waxa uu u mahad-celiyey shacabweynahaa reer Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa “Runtii awaamiirtii aan soo bixinay si kalsami ah, oo ay farxadi ku jirto, iyada oo dhaqaalaha ku baxaysa ay iyagu bixinayaan. Imikana aynu arkayno meherado baddan oo horteena ka soo jeeda in hortoodii marmar lagu sameeyey oo ay lacagta ku bixiyeen”.Ayuu yidhiIsaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Meeshiina waad arkaysaan inay noqotey meel wanaagsan oo marmar leh oo ay dadku mari karaan, inta u dhaxeysa laamida iyo inta marmarka lagu sameeyeyna laga dhigi doono biyo-mareen diriinayj”.Wasiir Warancade waxa uu fariin hanjabaada u direy Shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ka hawlgala, waxaanu yidhi”Dusheena waxa maraya xadhko aad u fool xun, oo midba mid ku maran-yahay, waxaana xadhkahaasi leh shirkadaha Is-gaadhsiinta iyo laydhka, Maayarku waxa uu sheegay in dhowr digniinood loo direy, anna caawa (Xalay) digniintii ugu danbeysay ayaan u dirayaa, haddii ay degdeg u bilaabi-waayaan inay aasaan waxaan saari doonaa ganaax ay ku xanaansadaan, dabadeed lacagta ganaaxuna ay bilicda wax ka tarto oo waddooyinka la geliyo, waxaana ugu yaraan doona $50,000 (Koton Kun oo Dollar) inaanu ganaaxno Shirkadaha isgaadhsiinta ta waxeeda aasan-weyda, ee qashinkeeda qarsan-weyda”.Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Shirkadaha isgaadhsiintu waa shirkadaha inoogu dakhliga iyo dhaqaalaha baddan, markaa laga aqbali-kari-maayo foolxumadan magaalada dhexdeeda inay ku sii jiraan, sida ay dukaamada iyo meheradaha hortoodu u aqbaleen inay hortooda hagaajiyaan, inay iyaguna(Shirkadaha Isgaadhsiinta) naga qariyaan fool-xumada ay waayirada faraha baddani leeyihiin eek u xidhan tiirarka qal-qalooca, meeshu waa Caasimad, qofkuna dhaqaalaha uu helo waxa loo baahan-yahay inuu badh ku celiyo dalkiisa. Markaa iyaga wanaag ayey u tahay qoraxda ayaa hesha, baabuurta ayaa jiidha kharash baddan ayuu ku hayaa iyaga laftigooda”.
Wajaale News
|
LINKS
|
||||
|