Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalka DJabuuti Oo Sheegay In Al-Shabaab Ay Weerar Ku Tahay Dalkiisa, Balse Ay Iska Difaaci Doonaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalka DJabuuti Oo Sheegay In Al-Shabaab Ay Weerar Ku Tahay Dalkiisa, Balse Ay Iska Difaaci Doonaan
October 29, 2013 - Written by Wariye:

wasirka armaha jabuutiDJibouti-(Wajaale News)-Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed ayaa markii ugu horreysay sheegay in Al-shabaab oo uu ku sheegay cadow shisheeye ay weerar ku yihiin dalkooda, balse ay iyagu go,aansadeen inay iska difaacaan.

Mudane Cumar ayaa hadalkan ka sheegay kulan lagu soo dooranayay guddi ay yeelato xaafadda Balbala ee magaalada Jabuuti, isagoo shacabka dalkaas ka dalbaday inay ka digtoonaadaan inay soo dhaweeyaan kooxaha Al-shabaab ka tirsan ee doonayay inay dalkooda dhibaatada ka geystaan.

Cadow shisheeye oo Al-shabaab ah ayaa waxay ku goodiyeen inay weerari doonaan dalkeenna, waxayna yiraahdeen waxaan burburinnay Soomaaliya, Kenya, Masar, Yemen iyo dalal kale, Jabuutina waan burburinaynaa,? ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Jabuuti ay diyaar u tahay inay iska difaacdo weerar walba oo dibadda kaga yimaadan, balse shacabka laga doonayo inay iyaguna la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Dadweynaha waxaa laga doonayaa inay wixii ay arkaan u soo sheegaan ciidamada dowladda, ayna ka digtoonaadaan inay soo dhaweeyaan kuwa doonaya inay dalkooda dhibaateeyaan ayuu hadalkiisa ku daray Cumar.

Al-shabaab ayaa bishii hore sheegtay inay weerarro la beegsanayso ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM oo ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, haddii aysan dowladda Jabuuti ciidamadeeda kala bixin Soomaaliya.

Toddobaad ka hor ayaa waxaa magaalada Baladweyne ka dhacay qarax weyn oo ay geysteen Al-shabaab, kaasoo ay ku dhinteen in u dhow 20-qof, kuwaasoo u badnaa shacab ayna ku jireen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS