Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Moahmed Biihi Oo Markale Yimid London Iyo Taageerayasha Kulmiye Oo Soo Dhaweeyay . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Moahmed Biihi Oo Markale Yimid London Iyo Taageerayasha Kulmiye Oo Soo Dhaweeyay .
October 29, 2013 - Written by Wariye:

waiirka arimaha dibadaGegida caalamiga ah ee Heathrow (London) ee caasimadda dalka Britain soo gaadhay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga Somaliland mudane Mohamed Bihi Yonis. Wasiirka waxa madaarka ku soo dhoweeyey Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka Britain mudane Cali Aadan Cawaale, Guddoomiyaha UK ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE mudane Xariir Xirsi Adar iyo xubno ka tirsan jaalliyada Somaliland uk u dhaqan magaalada London.  Waxa iyana halkaa ku sugnaa hawl-wadeenno ka tirsan TV-ga  qaranka iyo Saxaafadda kale ee Somaliland.

Wasiirka oo wax laga weydiiyey safarka uu ku yimid UK ayaa sheegay inuu wada hadallo la yeelan doono wasiirka arrimaha Africa u qaabbilsan dawladda Britain  iyo masuuliin kale oo ka tirsan dawladda Britain.
Waxa kale oo uu sheegay wasiirku inu sidoo kale la kulmi doono mudaneyaal ka tirsan goleyaasha Baarlaanka.

Mar wax laga weydiiyey wasiirka safarkii ay ku tegeen dalka Masar isaga iyo wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Adan ayaa wuxu ku jawaabay inu socdaalkoodu la xidhiidhay casuumad ay ka heleen dawladda Masar, kulamo wax ku ool ahna la qaateen Wasiirrada Tacliinta sare, Tacliinta hoose iyo Arrimaha Dibedda Masar iyo weliba masuuliin sare oo ka tirsan Jaamicadda Carabta. Dhammaan masuuliinta ay la kulmeenna ay si cad ugu sheegeen inu gooni isu taagga Somaliland yahay go,aan shacab oo aan sinaba gorgortan u gelin, kana dalbadeen in shicibka Somaliland laga taageero dhinaca horumarinta adeegyada bulshada kala duwan.Wasiirku waxa uu sheegay inu uga sii gudbi doono dalka Jabouti oo uu Madaxda sare ee dalkaasi kulamo la qaadan doono inta aan dalkii hooyo ku laaban.
Wa Billaahi Tawfiiq
Safaaradda Somaliland ee UK

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

Repoter Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS