Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliya Fawozia Yusuf H. Adan oo lakulantay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Canada John Baird. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliya Fawozia Yusuf H. Adan oo lakulantay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Canada John Baird.
October 2, 2013 - Written by Wariye:

foosiyaMuqdisho(Wajaale News)-Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fawzia Yuusuf Xaaji Aadan ayaa manta magaalada Ottawa kula

Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fawzia Yuusuf Xaaji Aadan ayaa manta magaalada Ottawa kula kulantay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Canada John Baird.

Kulankaas oo ka dhacay xaruunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Canada ayaa waxaa wasiraadda kulankaas ku wehliyey Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Marwo Yussur Abraraa iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika.

Waa markii ugu horeysay ee wasiir arrima dibadeed ee Soomaaliya uu soo booqdu dalka Canada muddu 30 sanno ku dhawaad ah.

Kulan ay wada qaateen labada wasiir ayeey waxay ka
wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Canada iyo sidii dowladda Canada ay kaalmo uga geysan lahayd dib-dhiska dalka Soomaaliya.

Shir jaraa?id oo ay wada qabteen laba wasiir ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Canada ku sheegay in ay dowladda Canada ugu deeqday dalka Soomaaliya lix (6) million oo Dollar oo lagu kaalmeynayo la dagaalanka argagixisada. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Marwa Fowzia Xaaji Aadan ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Canada sida ay u soo dhaweeyeen Soomaalida ku nool dalka Canada. Waxayna ka codsatay dowladda Canada in qayb ka qaadato dhismaha dalka Soomaaliya gaar ahaan dhismaha hayadaha nabad galyada.

 

Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS