Wasiir Shaqaalaha Wasaaradiisa Ka Hawlgala Wareegto Kaga Mamnuucay In Ay Galaan Madaxtooyada Kuna Tukadan Salaadaha Masajidka Madaxtooyada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Shaqaalaha Wasaaradiisa Ka Hawlgala Wareegto Kaga Mamnuucay In Ay Galaan Madaxtooyada Kuna Tukadan Salaadaha Masajidka Madaxtooyada.
October 2, 2013 - Written by Wariye:

warsaxafadeedHargeysa(Wajaale News) -Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista  iyo Technologyada Somaliland  oo isaga iyo wasaaradiisuba ay ku cusub yihiin saaxada siyaasada dalka  Aadan Axmed Warsame ayaa Wareegto wargalin  ah oo uu ku soo socodsiiyey shaqaalihiisa  wareegtadaasi oo Uu  kaga mamnuucay Shaqaalaha Wasaaradiisu in anay galin xarunta madaxtooyada isla markaana wakhtiyadda salaada anay ku tukan maasaajidka madaxtooyada,iyaga oo aan amar ka haysan wasiirka iyo agaasimayasha wasaradaasi taasi badelkeedana ay ku tukadaan salaadaha masaajidka barlamaanka.

Wareegtadan  ayaa  sida uu noo xaqiijiyey mid ka mid ah shaqaalaha oo magaciisa ka qaabsaday in ay muran badan ka dhex dhalisay shaqaalaha wasaaradasi oo intooda badan markii hore ay xafiisyadoodu ahaa  madaxtooyada,wareegtadan oo ay maanta shabakadda Ramaas nuqul ka mid ah heshay ayaa waxa ku saxeexan wasiirka.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS