WAJAALE NEWS
Wasiir Samaale Oo Si Dadban U Sheegay Inuu Uqalmo In Loo Igmado Hawlo Wasaaradda Maaliyadda Ka Culus Isaga Oo Dhiisha U Sii Biyaystay Hogaanka Kulmiye.
October 2, 2013 - Written by editor
waxana maalinba maalinta ka dambaysa soo shaac baxaya Rabitaanka iyo Hamuun-gorayada uu Samaale ku Doonayo Hoggaanka sare ee dalka.
Hargeisa(Wajaale-news) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii ugu Horraysay ka Hadlay sababta ku kalliftay inuu Odoroska Miisaaniyadda Qaranka soo Gudbiyo Xilligii ku Haboonaa.
Wasiir Samaale oo Maalintii shalay u warramayey Qaar ka mid ah warbaahinta dalka ayaa sidoo kale qaab dadban u sheegay inuu aaminsan yahay inay jirto shaqo ka ballaadhan tan uu Haatan Hayo oo uu qarankan u
qaban karo Ugu Horrayntii waxa uu wasiir Samaale ka hadlay Baaqashada Madaxweynaha ee qalinjabinta jaamacadda Timacadde ee Deegaanka Gabiley, isagoo baaqashada madaxweynahana u sibir saaray safarkan uu Haatan baxay, “xog-ogaal intaan u ahay madaxwaynuhu runtii diyaar buu u ahaa una yahay meelkasta oo waxbarasho iyo aqooni ka jirto in uuu tago.waxa isku soo beegmay safarka madaxwaynaha iyo jaamacadda xidhitaankeedii baa runtii isku soo beegmay. Dhalinyarta jaamacadda loo xidhayay iyo Gudoomiyaha jaamacaddu intaan ka war hayo waa ay tashadeen wax ay iswaydiiyeen in
wasiiradda kala gadisan ee xukuumaddu oo ilaa madaxwayne ku-xigeenku ay ku jiraan u yimaadaan iyo inay madaxwaynaha sugaan.go’aana waxay ku gaadheen sidda warku igu soo gaadhayo in ay soo noqodka madaxwaynaha sugaan.” Ayuu yidhi Wasiir Samaale.
Sidoo kale waxa uu wasiir Samaale tilmaamay inaanay wax fudud ahayn in madaxweynuhu kaliya safar ku tago Jaamacadda Timacadde, balse ay muhiim tahay inuu qorshaha ku darsado Gobolka Gabiley ee jaamacaddu ku taallo, waxana uu yidhi, ” waxa muhiim ah inaynu fahano in marka uu madaxwaynahu tagayo Gobolka Gabiley ma aha in uu u tagayo oo qudha ardayda
jaamacadda,balse waxa uu u tagayaa arimo kale oo gobolka iyo qarankaba khuseeya waa uu u tagayaa.markaa waa inay ahaataa siyaaro(safar) ka ballaadhan tagitaanka Timacadde oo kaliya.” Wasiirku waxa uu sidoo kale isku Ammaanay Qaabkii uu miisaayidda
sanadkan u soo gudbiyey, isagoo meesha ka saaray inay ka ahayd Hannaan xirfadaysan oo bulshada kaga dalbanayey inuu xilal kale geyo, waxana uu yidhi, “xil qaran uunban gudanayay markaan miisaaniyadda soo gudbiyay.sharciga u yaalla qarankeena ee distooriga ahi waxa uu leeyahay”waa in odoroska miisaaniyadda ee sanndka soo socdda Golaha
wakiiladda la horgeeyaa Bisha October.29-kii September,sharcigaa waxaan odhankaraa waa markii ugu horeysay ee intii Somaliland jirtay la fuliyo.markaa qofka fuliyaa jaa’isad iyo abaal marin iyo wuxuu runtii mudan yahay in lasiiyo shahaado sharaf. in siyaasaddo kale loo riixaa
maaha. Waa wax kala duwan damaca siyaasiga iyo himiladda siyaasadeed ee aan leeyahay waa gaar.” Wasiirka wasaaradda Maaliyaddu waxa uu si dadban u sheegay inuu
istaahilo in qaranku u dhiibto xilka ka weyn kan uu haatan hayo, waxana uu yidhi, “waxa laga yaabaa in aan miisaaniyaddii oo aan keeno wakhtigii
la’iga sugayay wakhti ka horaysaa waxay ay dhabaha u xaadhaysaa in aan hawlo kale oo kuwaa ka waaweyn aan qaranka u qaban karo.hase yeeshee hawshan gudashadeeda xilka qaran ee isaaran awgeed ayaan u gudanayay.siyaasad kale runtii kuma lug laha,haddana wax ii diidayaa maahee wuxun bay sii wanaajinaysaa.”
Wasiir samaale oo sii wata isboqriddiisa iyo ammaanta uu isu jeediyey, ayaa mar kale yidhi, “shalay gudoomiye- ku-xigeen baan ahaa shacbigu way ogaayeen waxaan golaha ka ahaa.waxaan qabtayna way ogaayeen.maantana wasiirkii maaliyadda ahayna xilkii baan kasoo baxay umaddaa qiimaynaysa Allaa qiimaynaya oo arkaya.maxaa ku sii xiga ilaahaybaa og.”
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo dad badani tuhunsan yihiin inuu dhiisha u dhaansaday sidii uu ku noqon lahaa madaxweynaha dalka, ayaa Hadalladiisani waxa ay caddaynayaan inuu qarin kari la’yahay Hankiisa iyo hammuunta uu u qabo inuu Hoggaanka waddanka mar uu majarihiisa qabto.
Cabdicasiis Maxamed Samaale oo caanku ah xod-xodashada iyo Hadallada cuddoon ee dadka lagu soo jiito, ayaa la hubaa inuu yahay ninka kaliya ee uu Guddoomiye muuse Biixi Garabkiisa ka eegayo, maadaama labadoodaba lagu tilmaamo inay yihiin Baarqabada haatan ku qooqan xisbiga, waxana maalinba maalinta ka dambaysa soo shaac baxaya Rabitaanka iyo Hamuun-gorayada uu Samaale ku Doonayo Hoggaanka sare ee dalka.
WAJAALE NEWS DESK
HARGEISA OFFICE
Related
COMMENTS
|