Wasiir Samaale Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Goor Wakiiladiisa Fulinta Kulmiye Lagaga Adkaadey Loolankii Soo Xulista Gudiga Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Samaale Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Goor Wakiiladiisa Fulinta Kulmiye Lagaga Adkaadey Loolankii Soo Xulista Gudiga Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye
October 26, 2013 - Written by editor

samaleHargeisa-(Wajaale-news)-Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Samaale oo u xusul duuban ama tartan adag ugu jira Gudoomiyenimaada xisbiga kulmiye ayaa shalay dalka dib ugu soo noqday ka dib markii uu soo gutay waajibaadkii Xajka.

Wasiir Samaale ayaa intii uu dalka ka maqnaa wakiiladiisa fulinta ee Xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir si weyn loogaga adkaadey loolankii soo xulista Xubnaha Gudiga qabanqaabada shirweynaha kulmiye oo xubnaha wasiirka taageersani ku yar yihiin.

Gudiga qabanqaabada shirweynaha xisbiga kulmiye ayaa la siiyey waajibaadyo iyo awoodo balaadhan oo aynu ka xusi karno soo xulista Ergada shirweynaha Xisbiga,maamulida dhaqaalaha lagu hagaayo shirweynaha iyo weliba iyagoo awood u leh inay xushaan ama calaamadiyaan goobta lagu qaban doono shirweynaha xisbiga .

Wasiir Samaale ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda gacantiisa furo,bilaabana dhaqdhaqaaqyo iyo olole xisbiga Kulmiye iyo gudiga qabanqaabada shirweynaha gudaheeda ah si uu u helo ama kasbado kalsoonida xubno aan cidna u suntanayn ee qabaxdu xukunto si uu saameyn ugu yeesho soo xulsita Ergada shirweynaha !.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS