Wasarada Maliyada Oo Daboolka Ka Qaday In aay Cashuurtii Ka Dhaftay Basaska. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasarada Maliyada Oo Daboolka Ka Qaday In aay Cashuurtii Ka Dhaftay Basaska.
October 21, 2013 - Written by Wariye:

basaskaHargeisa(Wajaale News)-Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa bilowday olole cashuur ururineed oo soconaya muddo 15 Maalmood ah, taas oo ay sheegtay inaan gaadiidka Basaska ah aan laga qaadayn cashuurihii dhawaan la kordhiyey.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo ku dhawaaqay ololaha cashuur ururinta ah, ayaa sheegay inaan cashuur laga qaadayn basaska dadwaynaha u kala daabula xaafadaha Magaalooyinka, sida Hargeysa, balse laga qaadi doono oo kaliya cashuurtii wado marista ee awalba laga qaadi jiray.

Talaabada Wasaaradda Maaliyaddu ay cashuuraha lagu kordhiyey gaadiidka uga dhaaftay gaadiidka dadwaynaha, ayaa ah mid u wanaagsan shacabka danyarta ah oo ka cabsi qabay in cashuuraha dheeraadka ah ee gaadiidka lagu soo rogay ay keento in qiimaha basasku kor uga kacdo inta imika lagu raaco oo ah 1500 oo lacagta Somaliland ah.

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS