|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Shaacisay Inay Sanadka Cusub Ee 2014-ka Ardeyda Reer Somaliland Ku Tababari Doonto Xirfado Ay Ku Shaqeystaan.Kana Hadashay Dhibaatada Tahriibta.
October 4, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale Ndews):- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shaaca ka qaaday inay sanadka cusub 2014-ka ee fooda inagu soo haya qorsheysay sidii ay ardeyda dhalinyarada Somaliland ugu abuuri lahayd mashaariic yaryar oo xirfadaa oo ay ku shaqeystaan ardeydu, isla markaana ay diyaarisay kharashka lacagtii ku bixi lahayd. Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay ka wacyigelisay ardeyda reer Somaliland inay u tahriibaan waddamada qurbaha oo ay qaxoonti noqdaan, iyada oo ku boorisay inay dalka nimco baddani taalo oo ay aaminaan. Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadlaysa dhibaatada tahriibtu u leedahay dhalinyarada ayaa waxay tidhi”Waddanku waxa uu u baddan yahay dhalinyaro, haddana waxa inoo soo baxay dhalinyaro aad u wanaagsan. Dhibaatooyinka tahriibka ayuunba dhibaato inagu haya,taana ILAAHAY wuu inaga saaraya, waayo imika caruurtu way fahmeen inanka yar ama inanta yar ee rafaada ee magaalada ugu horeysa ee Malta ee dalka Talyaniga gaadha, markiiba Baabuur iyo aqal aanu garanayn cid leh ayuu isku soo sawira, markaasu soo dhigaa Facebook-ga, ilma waliba waxa uu moodaya in meesha (qurbaha) markiiba lagalayo oo la helayo alaabtaas, laakinse maaha runtii oo waddankeena (Somaliland) ayaa ka wanaagsan, oo nimco baddan ayaa taala, ILAAHAY waxa uu inagu kaalmeyn dhulkaa loo tagayo qaxoontiga inay innaga inoo yimaadaan”. “Sanadkan cusub (2014-ka) waxaanu ku dedaalaynaa inaanu dhalinyarada u sameyno mashaariic yar-yar oo fara baddan, waxa yaab leh oo aad la yaabi doontaan nin Ingiriis ahi inuu inoo imanayo oo uu dhalinteena barayo sida burcadka (Cheese) looga sameeyo caanaheena, sida Subageena loo lullo, waxa uu ka beeray meel u dhow magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska ninka la yidhaahdo Hamish Wilson beer, waxaanu beertaas u bixiyey ´Degmo´waxa uu ka beeray Geed-Xabagii,waxa uu sameeyey hadhuudhkii,waxa uu caanaheeni ka sameeyay burcadkii,waxaanu maalin dhaweyd oo uu ii sheekaynayey ii sheegay inuu Subageenu noqday subaga la isku jarro oo uu suuq yeeshay, dabadeedna waxaan doonayaa ayuu yidhi inaan Somaliland ka furro, oo waxaanu sanadkan ugu darnay bajet-ka, markaa waxa la oo bixinayaa ´Degmo Somaliland´”.Ayey tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi “Markaa dhalinyarada Somaliland waxay baran doonaan waxyaalaha ay intifaacsanayaan ee ay dadka kale bartaan,waxay baranayaan Dabaasha,waxay baran doonaan Gargaarka degdega, waxaan baraynaa inay xirfado yeeshaan inay caruurtii iyaga oo Dugsiga sare ku jira inay yeeshaan xirfado kala duwan oo ay sameyn karaan haddii uu Subaga yahay,haddii uu Burcadka yahay, haddii uu yahay sida aqalada loo istan-bariyo,haddii uu yahay Niijaarida, waa waxyaalaha innaga maqan ee aan runtii doonayno haddii ILAAHAY Sanadkan cusub (2014-ka) inaynu u bilowno ardeydeena oo ay bartaan waxyaalo kale oo xirfadaa oo noloshooda taageeraya ILAAHAY ayaa inala qaban doonee” Related posts:Xildhibaanada Baarlamaanka Iyo Golayaasha Deegaanka Ee Laga Doortay Gobolka Sool Oo War kasoo Saaray... Magacyada Afar Xildhibaan Oo Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sobobta! Hogaanka Xisbiga Waddani ka Qaybgalay Munaasibad Ay Xisbigu Kusoo Biirayeen Midkamid Ah Beelaha Gobo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|