Warshada Korontada Dowlada iyo Hadalheynta Dadweynaha Ee Ah In Lagu Wareejinayo Ganacasato Madaxbanaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warshada Korontada Dowlada iyo Hadalheynta Dadweynaha Ee Ah In Lagu Wareejinayo Ganacasato Madaxbanaan
October 26, 2013 - Written by Wariye:

haayda korontadaHargeysa(Wajaale News)-Warshada Korontada Dowlada ee fadhigeedu yahey Caasimada Hargeysa ayaa maalmihii u dambeeyay siweyn loo hadal hayay, in lagu Wareejinayo Ganacastao Madaxbanaan, oo kamid ah Shirkadaha Leydhka u shida Caasimada Hargeysa mid kamid ah.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Xukuumada, ama Maamulka Wakaalada Korontada Dowlada, hadana xanshashaqa Dadweynuhu ku hadalhayaan maalmihii u dambeeyay, ayaa ilo wareedyada ka ag dhow Wakaalada Korontada

Dowlada ee Caasimada Hargeysa ku koobani waxey daaha ka rogeen, arintani timid kadib markii Xukuumadu ka talaabsan weyday Miisaaniyada iyo kharashaadka ku baxa Wakaalada Korontada Dowlada oo Musuqmaasuq badani ku dhacey tan iyo intii Dowladani la wareegtey talada dalka, Islamarkaana laga badelay Maamulkii hore ee Wakaalada Korontada,inkastoo Murankeeda siweyn loo dareemay markii khilaaf culusi kusoo kala dhex galey Wasiirkii hore ee Wasaarada Howlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade iyo Maareeyihii laga qaadey xilka Wakaalada Korontada Dowlada  Wali Axmed Xaawo, oo khilaafkeedu heer xun gaadhey islamarkaana, si fashilan dibada ugu soo baxey Maalmahaasi.

Ilaa iyo hada macada Shirkada rasmi ahaan ula wareegeysa Korontada Dowlada inkastoo warar badan oo la isla dhex marayaa sheegayaan in laga iibinayo Mid kamid ah Shirkada ugu Shilis ee Korontada oo ay ugu horeyso Shirkada Kaah oo Magaalooyinka dalka qeybo badan korontada gaadhsiisa haseyeeshee, waxa la filayaa in arintaasi cadaan doonto Maalmaha soo socda.

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS