Warsaxaafadeed: Xukuumadda Kumliye Oo Ku Caanbaxday Cabudhinta Iyo Xadgudubka Masuuliyiinta Qaranka Waxay Maantana Duulaan Hubaysan Ku Qaadeen Xaruntii Xanaanayta Darbi jiifka Iyo Agoomaha Ee Magaalada Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warsaxaafadeed: Xukuumadda Kumliye Oo Ku Caanbaxday Cabudhinta Iyo Xadgudubka Masuuliyiinta Qaranka Waxay Maantana Duulaan Hubaysan Ku Qaadeen Xaruntii Xanaanayta Darbi jiifka Iyo Agoomaha Ee Magaalada Hargeysa.
October 27, 2013 - Written by Wariye:

marwo milgo maxamedHargaysa(Wajaale News):-Warsaxaafadeed Xukuumadda Kumliye oo ku caanbaxday cabudhinta iyo xadgudubka masuuliyiinta qaranka waxay maantana  duulaan  hubaysan ku qaadeen  xaruntii xanaanayta darbi jiifka iyo agoomaha  ee Magaalada Hargeysa.

 

Xisbiga WADDANI wuxuu cambaarayanaa xadhiga iyo xadgudubka digtaatoornimada ah ee loo gaystay Marwo Luul Xasan Mataan ee sida sharcidarada ah looga taxaabay gurigeedii xuquuqdeedii wadaninimona lagu xadgudbay.

 

Xisbiga WADDANI waxa uu ugu baaqaya xukuumadda Siilaanyo in ay si degdeg ah Xoriyadeeda ugu soo celiyo Marwo Luul Xasan Mataan oo aan wax dambiya ka galin Qaranka Jamhuuriyada Somaliland balse wax badan u soo kordhisay barbaarinta danyarta iyo darbijiifka Xukuumadii Xilku ka saarnaa dayacday.

 

 

Gudoomiye ku Xigeenka 5aad

Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sanbalooshe)

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

 

 

 

COMMENTS
LINKS