Warsaxaafadeed: Milgihii dawladnimo, kala danbayntii, iyo wax wada-lahaanshihii bulshada Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa meesha kasii baxaya.(Codyare) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warsaxaafadeed: Milgihii dawladnimo, kala danbayntii, iyo wax wada-lahaanshihii bulshada Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa meesha kasii baxaya.(Codyare)
October 27, 2013 - Written by Wariye:

 codyareHargaysa(Wajaale News):-Warsaxaafadeed Guuldarooyinka xukuumadda Kulmiye ee sida isdaba jooga ah isaga soo dabadhacaya waxaa ka mid ah.

Milgihii dawladnimo, kala danbayntii, iyo wax wada-lahaanshihii bulshada Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa meesha kasii baxaya.

Waftiyada beelaysan ee safarada u baxa taas oo macnaheedu yahay daahfurnaan la’aanta iyo sadbursiga Xukuumadda Kulmiye ku soo kordhisay geedi socodkii dimuqraadiyadda Somaliland.

Xukuumadda Kulmiye oo si badheedh ah u cadaysatay Musuqmaasuqa ka dhex jira iyo laaluushka aafeeyey dhamaan ha’yadaha ay fulintu kow ka tahay islamarkaasna saameeyey Caddaaladda iyo  Garsoorka  dalka.

Sida uu caddeeyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade in bahda caddaaladdu ku shaqayso laaluush iyo wax is dabamarin ay kasoo dheegatay xukuumadda uu wasiirka ka yahay.

Waxaanu leenahay Wasiir  ”Geela Duqdiisi Durdurisay Aarankiisana Maxaad Mooday”

Marka ay Madaxtooyada qaranka iyo wasiirada xukuumada Kulmiye, hantida umadda ku bixiyaan laaluush iyo guulwadayn  iyo mansab-bixin iyo shaqaalayn beelaysan oo caddaaladda ka fog si ay u meel marsadaan ujeedooyinkooda ay danaha gaarka ah ka leeyihiin

Maxaa bahda garsoorka  iyo Caddaaladda  laga fili karaa oo aan ahayn in ay maraan  waddada musuqa ee ay xukumaddu bartay.

 

Hanti dhowraha Guud Ee Xisbiga / Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta

Md. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

 

COMMENTS
LINKS