WAJAALE NEWS
Warmurtiyeed ka soo Baxay Kalfadhiga 26aad ee Golaha Sare ee Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo
October 13, 2013 - Written by editor
Warmurtiyeed ka soo Baxay Kalfadhiga 26aad ee Golaha Sare ee Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo
Golaha Sare hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay doorka shariifka
ah ee Dallada Dhallinyarada
Ujeedo: WAR-MURTIYEEDKA KAL-FADHIGA 26AAD EE CAADIGA AH EE GOLAHA SARE
EE DALLADA SONYO!
Golaha Sare ee Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO oo yeeshay
kal-fadhigoodii 26aad ee caadiga ahaa oo ku qabsoomey Huteel Haldoor
ee magaalada Boorama October 11th – 12th, 2013, waxa ay
kal-fadhigoodan oo ahaa mid muhiimadiisa lahaa kaga doodeen arrimo
badan oo xasaasi ah oo khuseeya horumarka dhaqan dhaqaale ee guud
ahaan dhallinyarada Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan marxalada
maanta dhallinyarada JSL ku sugan yihiin iyo wax ka qabashadeeda. Waxa
Golaha Sare hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay doorka shariifka
ah ee Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO kaga jirto xaqiijinta
himilada fog ee dhalinyarada JSL iyo baahida loo qabo sii
xoojinteedaba.
Qoddobada iyo go’aanada ka soo baxay Kal-fadhiga 26aad ee Golaha Sare
waxa ay yihiin:
1. Shirku Golaha Sare waxa uu aad ugu faraxsan yahay in maanta ay
Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO ku sifawdo Dallad Dhallinyaro
Heer Qaran oo hano-qaaday isla markaana u taagan hirgalinta
qorshaheeda 5-ta Sanno iyo Siyaasada Horumarinta Dhalinyarada Qaranka.
Kuwaas oo xambaarsan barnaamijyo wax-ku-ool ah oo ku waajahan
horumarinta arrimaha dhaqan-dhaqaale ee dhallinyaradda JSL.
2. Shirku wuxuu guud ahaan ugu baaqayaa dhammaan daneeyeyaasha
arrimaha dhallinyaradda inay muhiimad siiyaan hirgalinta Siyaasada
Horumarinta Dhallinyaradda Qaranka (National Youth Policy). Waxa sidoo
kale shirku ku ammaanayaa xukuumada JSL, gaar ahaan Wasaarada
Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska iyo Wasaarada Maaliyada in
markii ugu horaysay ay miisaaniyada qaranka ee Golaha Wakiilada
Shacabka hortaal dhaqaale ugu dareen hirgalinta Siyaasada Horumarinta
Dhallinyarada Qaranka (National Youth Policy).
3. Shirku wuxuu si weyn u taageerayaa qaraarkii ka soo baxay
Shirweynihii Dhallinyarada Adduunka ee ku saabsanaa Tahriibka
Dhallinyarada Adduunka ee ka dhacay dalka Malaysia iyo kulamadii ka
dambeeyay ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku yeeshay Magaalada New
York iyo go’aamadii ka soo baxay ee loo la qimay Kooxda Ka Hortaga
Tahriibka Dhallinayada Adduunka (Youth Migration Group). Waxa aanu
shirku ka codsanayaa Qaramada Midoobay iyo guud ahaan Qaadhaan
bixiyayaasha adduunka in ay tixgalin gaar ah siiyaan wax ka qabashada
Tahriibka Dhalinyarada JSL ee wakhtiga dhaw iyo wakhtiga fogba.
4. Shirku wuxuu cambaaraynayaa korodhka tahriibka iyo qulqulka
dhallinyarda JSL, waxa aanu ugu baaqayaa dadweynaha JSL, Xukuumada JSL
iyo Asxaabta Qarankaba in laga iska kaashado wax ka qabashada
masiibadan qaran ee la soo daristay dhallinyarada JSL xiligan.
5. Shirku waxa uu cambaaraynayaa kooxaha iyo sil-siladaha aboolayaasha
ah ee ku shaqaysta daad-guraynta iyo tahriibinta dhallinyarada JSL ee
ku macaasha dhiiga ka tifiq leh dhallintii iyo xoogii dalka iyo ilmada
ka hooraysa hooyooyin badan iyaga oo sii marinaya marino surmi iyo
khatar badan oo ku yaala dalalka Ethiopia, Sudan iyo Libya.
6. Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumada JSL in ay talaabo adag ka qaado
kooxahaas caadaystay malafsiga dhiiga iyo tahriibinta dhallinyarada
JSL. Waxa kale oo uu shirku ugu baaqayaa dadweynaha JSL in ay gacan ku
siiyaan xukuumada arintan.
7. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Jamhuuriyada Federalka ee Ethiopia oo ah
dal aynu walaalo nahay, waxtar badana u gaystay ummadan iyo dalkanba,
in ay garab ku siiso Xukuumada JSL wax ka qabashada kooxaha ah
sil-silada isku xidhan ee dhallinyarada JSL sifo sharci daro ah ku
dhexmariya dal – Weynaha Ethiopia, talaabo adagna ka qaado kooxahaas.
8. Shirku waxa uu taageero balaadhan u fidinayaa Gudiga Dhismaha
Wadada Ceerigaabo, waxaanu ku bogaadinayaa Madaxweynaha JSL in
Dhismaha Wadada Ceerigaabo u qayshado dalka Turkiga iyo cid kasta oo
waxa inagala qaban karta maadaama kharashkeedu ka awood sareeyo awooda
dhaqaale ee dalkeena.
Ugu dambeyn shirku wuxuu u rajaynayaa dhallinyaradda iyo guud ahaan
dadweynaha JSL guul iyo barwaaqo.
KAL-FADHIGA 26AAD EE GOLAHA SARE EE DALLADA DHALINYARADA HEER QARAN EE SONYO.
Mubarak Ismail Taani,
SONYO UMBRELLA Chairperson
Related
COMMENTS
|