|
|||||
WAJAALE NEWS
Warbixin Aad U Xiiso Badan Gabadh 19 Sanno Gadh ku Qarinaysay Masar ay Madaxa ku Xidhan Jirtay
October 4, 2013 - Written by Wariye:Indonesia (Wajaale News)-Gabadh u dhalatay dalka Indonesia ayaa muddo 19 sanno ah dadka ka qarinaysay timo gadh weyn oo ka soo baxay, balse waxay hadda ku dhawaaqday in aanay dib u qarin doonon. Gabadhan oo la yidhaa Agustina Dorman oo 38 jir ah waxay timahan isku aragtay markay 35 ahayd, kadib markii ay dhashay ilmaheedii ugu horreeyey, wixii intaa ka dambeeyeyna waxay ku qarin jirtay cijaabka yar ee madaxa uun la saarto si ay ugu dhex gasho dadka ku nool tuulada Penega ee dalka Indonesia.
Augustine marar badan oo ay isku dayday inay timaha iska xiirto way ku sii kordheen oo waxay ku sii saayidiyeen dhibtay ka cararaysay, waxaanay ka cabsi qabta in saddex carruur ah oo ay leedahay markay gadhaan 19 jir ay xaaladeeda oo kale la soo daristo. Gabadhan waxay sheegtay in aan iyada wax dhib ah haysan, balse ilmaheeda ugu weyn ay carruurtay isku lodka yihiin ku dacaayadeeyaan muuqaalka hooyadii. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|