Warbixin Aad U Xiiso Badan Gabadh 19 Sanno Gadh ku Qarinaysay Masar ay Madaxa ku Xidhan Jirtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Aad U Xiiso Badan Gabadh 19 Sanno Gadh ku Qarinaysay Masar ay Madaxa ku Xidhan Jirtay
October 4, 2013 - Written by Wariye:

gabadh gadhka timo ku lehIndonesia (Wajaale News)-Gabadh u dhalatay dalka Indonesia ayaa muddo 19 sanno ah dadka ka qarinaysay timo gadh weyn oo ka soo baxay, balse waxay hadda ku dhawaaqday in aanay dib u qarin doonon.

Gabadhan oo la yidhaa Agustina Dorman oo 38 jir ah waxay timahan isku aragtay markay 35 ahayd, kadib markii ay dhashay ilmaheedii ugu horreeyey, wixii intaa ka dambeeyeyna waxay ku qarin jirtay cijaabka yar ee madaxa uun la saarto si ay ugu dhex gasho dadka ku nool tuulada Penega ee dalka Indonesia.


Waqtigan waxay sheegtay inay gabadh ahaan aqbashay xaaladda haysata, kana cabsi qabin hadalada iyo aflagaadada dadka kaga iman karta, gabadhan oo muruqyada ragga oo kale leh, laabtana timaha ragga oo kale ku leh, waxay intaa ku dartay in aanay iska xiiri karin timaha oo ay xannuun badan yihiin hadday isku daydo in la xiiro.

Augustine marar badan oo ay isku dayday inay timaha iska xiirto way ku sii kordheen oo waxay ku sii saayidiyeen dhibtay ka cararaysay, waxaanay ka cabsi qabta in saddex carruur ah oo ay leedahay markay gadhaan 19 jir ay xaaladeeda oo kale la soo daristo.

Gabadhan waxay sheegtay in aan iyada wax dhib ah haysan, balse ilmaheeda ugu weyn ay carruurtay isku lodka yihiin ku dacaayadeeyaan muuqaalka hooyadii.

Wajaale News
Hargeysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com
Repoter: Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS