|
|||||
WAJAALE NEWS
Wararkii U Danbeeyay Laba Qof Oo La Tuhunsan Yahay In Ay Soomali Yihiin Oo Ku Dhintay Qarax Bambo Ay Ku Dhex Farsamaynayeen Guri Ay Deganaayeen Oo Ku Yaala Magaalada Addis Ababa
October 15, 2013 - Written by Wariye:ddis-Ababa(Wajaale News)-Warfaafinta ee dalka Ethiopia Redwan Hussein, oo u waramayay wakaaladda wararka ee Associated Pressm ayaa sheegay in Laba qof oo la rumaysan yahay in mid ka mid ah ay dhalashadiisu Soomaali ahayd aya ku naf waayeen bambo ay ku dhex farsamaynayeen guri ay deganaayeen dhexdiisa oo ku yaala caasimadda dalka Ethiopia ee Addis-Abba, halkaas oo ay xilligaas ku qul-qulayeen Kumannaan qof oo u socday daawashadda ciyaar ka dhacaysay shalay garoonka ciyaaraha ee magaaladda Addis-ababa oo ahayd tartanka is-reeb-reebka dunida,. Wasiirka warfaafinta ee Ethiopia, waxa uu xusay labada qof ee qaraxan farsamaynayay in aanay haysan wax sharci ah oo ay ku joogeen Ethiopia, waxaanu tibaaxay in ay guri ka ijaarteen xaafadda ay dadka Soomaalidda ahi aad-ka ugu badan yihiin ee ku taala agagaarka garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada Addis-Ababa ee lagu magacaabo Bole oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay. Wasiirku waxa uu sheegay in illaa iyo hada aanay jirin cid sheegatay in ay ka danbaysay masuuliyadda qaraxan, isaga oo sheegay in aan la sheegi karin goobta ay doonayeen in ay qaraxan ku bar-tilmaameedsadaan, lamina oga in ay doonayeen innay qarxiyaan garoonka ciyaaraha ee Addis Ababa ee ciyaartu ka socotay iyo in kale. Si kastaba ha haatee, qaraxan ayaa ku soo beegmay xilli ay xarakadda Al Shabaab hore ugu hanjabtay inay weeraro la beegsan doonto dalalka ay ciidamaddu ka joogaan gudaha dalka Soomaliya iyo xilli ay dawladda Ethiopia sheegtay in aanay wax cabsi ah ka qabin weeraro kaga yimaada Al Shabaab. Xarakadda Al-Shabaab. Ayaa sidoo kale bishii ina dhaaftay weerar hubaysan ku xaruntii dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall ee ku yaallay badhtamaha caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan Todobaatan qof. Wasiirka warfaafinta ee dalka Ethiopia ayaa ku dooday inay hore u kashifeen ciidamadda amaanka ee dalka Ethiopia weeraro argagaxiso oo qaraxyo ah oo la maleegayay sanadkii 2010-kii xilligaas oo uu Addis-Ababa ka socday shir madaxeedkii Midawga Afrika, isaga oo ka dhawaajiyay in Ethiopia ay qabto feejihnaan heerkeedu aad sareeyo oo dhinaca amaanka ku wajahan. Dhinaca kale, qaraxan bamka ee ka dhacay magaaladda Addis-Ababa ayaa walaac ku abuuray Soomaalida ku nool magaaladda Addis-Ababa iyaga oo ka cabsi qaba in si gaar ah loo bar-tilmaameedsado. Related posts:Daawo:Suldaan Ka Mid ah Salaadiinta Gabooye Oo Shaaciyay Deegaano Hor Leh Oo Beeshiisu Leedahay DAAWO: Gudoomiyaha Barlamaanka Khaatumo Oo Sheegay In Heshiiskay Somaliland La galeen Loo Dhameyn Oo... Maxaad Kala Socotaa Qaabka Loo Bixiyay Qandaraaska Dhismaha Laybareeriga Gabiley?+Magaca Shirkada La... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|