|
|||||
WAJAALE NEWS
Wararkii U Danbeeyay Jasiiradda Sicily, Oo Ku Dhawaaqday Xaalad Gurmad Ah Oo Deg-deg Ah Oo Loo Samaynayo Tahriibayaasha Ku Soo Qul-qulaya Badda Mideterranean-ka.
October 17, 2013 - Written by Wariye:Kampala-(Wajaale News)-Jasiiradda ku taala badda Mideterranean-ka ee lagu magacaabo Sicily, ayaa lagaga dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo tacaluqda sida loo wajahayo gurmadka badbaadada iyo taakulaynta ah ee loo samaynayo dhibaatooyinka muhaajiriinta tahriibayaasha ah ee ku haligmaya baddaha ee ku soo qulqulaya Jasiiradaasi iyo weliba xeebaha dalka Talyaaniga kuwaas oo u badan Afrikaan iyo Suuriyaan.. Dhinaca kale, saraakiil sarsare oo ka
tirsan dawladda Talyaanigu ayaa shaaciyay dad tahriibayaal ah oo tiradoodu kor u dhaaftay illaa Seddex Boqol Iyo Todobaatan qof in nafahooda la soo badbaadiyay Seddex doonyood oo ay la socdeen oo ciladdi la soo deristay salaasadii dhawayd oo ku beegnayd Ciiddal Addxada, tahriibayaashaas oo la geeyay Jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, iyaga oo doonyahaas ay saarnaayeen ay ka soo shiraaqdeen markii hore xeebaha wadanka Liibiya. Si kastaba ha ahaatee, Xaaladdan deg-deg ah ee lagaga dhawaaqat Jasiiradda Sicily, ayaa ku soo beegmay maalmo yar kaddib markii dawladda Talyaanigu ay daboolka ka qaaday in ay Seddex Jibaarayso Hawlaha gurmadka Illaaladda badda ee lagu soo badbaadinayo dadka tahriibayaasha ah ee baddaha ku le?anaya.
Wajaale News Hargaysa Office Info:wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|