WAR DEGDEGA: Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Uu Ka Dhacay Aroos Farxadeed Oo Mar Kaliya Isku Bedelay Murrugo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEGDEGA: Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Uu Ka Dhacay Aroos Farxadeed Oo Mar Kaliya Isku Bedelay Murrugo
October 13, 2013 - Written by Wariye:

u_113244d_2013-10-13-11-25-54f_breaking_news_1_Arabsiya(Wajaale News):Alle ha u naxariiste waxa geeriyooday 4-hablood, 9-kalena way dhaawacmeen,kadib markii nin hubeysani uu rasaas si badheedha ugu furey Aroos xalay ka dhacay Magaalada la yidhaahdo Ceel-Xadi oo dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Arabsiya ee Gobolka Gabilay.

Dhacdadan fooshan xun ayaa waxay ku habsatey Aroos farxadeed,kadib saacado yar uu aroosku socday ayaa waxa uu isku bedelay murugo oohin iyo qaylo hadheysay dadweynihii arooska u yimid inay farxada la wadaagaan,taas oo gil-gishay Magaalada Ceel-Xadi ee dhacdadani ka dhacday iyo guu ahaan Somaliland-ba

Sidaa waxa Shabakada Wararka ee Wajaalenews u xaqiijiyey Nin magaciisa ku koobay Cali kadib markii dhacdadaasi murugada baddani dhacday uu tagay goobtaasi.kadibna la soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Wajaalenews.

“Waxa geeriyooday 4-hablood oo aan dul sitaagay, isla markaana aan indhahayga ku soo arkay,waxaana dhaawacmay 9-qof oo kale,kadib markii nin magaciisa lagu sheegay Gahayr Xasan Muudeey oo lagu sheegay inay maskaxdiisu hagaagsanayn uu rasaas ku furey arooskii oo Ciyaar farxadeedkii ku dhex jira.Ninkan arooska rasaaseeyey waxa ay walaalo yihiin ninka Caruuska ah”.Ayuu yidhi MuKhtaar Fanax.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Waxay dhacdadan foosha xun dhacday abaaro 11:00-habeenimo markay saacada Geeska Afrika cago-cageynaysay,waxaanay dhacdadani ka dhacday meesha la yidhaahdo Ceel-Xadi oo dhinaca Waqooyi kaga beegana Magaalada Arabsiya ee Gobolka Gabilay”.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ciidamaa Booliska Somaliland oo la xidhiidha dhacdadan murugada baddan ee ku habsatey Arooska.

Waa markii ugu horeysay ee dhacdo noocan oo kale ahi ka dhacdo Somaliland muddadii 22-sanadood ahayd ee ay jirtey.Tan iyo intii maqalka dhacdadani soo baxday ayaa waxa si weyn looga hadal-hayaa guud ahaan Somaliland gaar ahaan Goobaha makhaayadaha ah ee ay dadku isugu yimaadaan.

Wajaale News
Hargeysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter: Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS