War Degdeg Ah: Muhaajiriintii Ugu Badnayd Oo Ku Dhimatay Biyaha U Dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Degdeg Ah: Muhaajiriintii Ugu Badnayd Oo Ku Dhimatay Biyaha U Dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga
October 3, 2013 - Written by Wariye:

wajaaTalyaani(Wajaale News)-62 Tahriibeyaal ah ayaa goor dhaweyd dhimashadooda la xaqiijiyay, halka 140 kalena dirqi lagu badbaadiyay ka dib markii doon ay la socdeen oo ka soo shiraaqatay dalka Libya ay cago jiid ku soo gaadhay Jasiiradda Lampedusa  ee Dalka Talyaaniga.

Warbaahinta dalka Talyaaniga oo baahisay Warkasi ayaa waxa ay sheegeenin dadka
dhintay ku jiraan hooyo iyo wiil yar oo ay dhashay, kuwaas oo u dhintay gaajo iyo haraad is biirsaday.

Tahriibeyaashan ayaa la sheegayaa in ay  u kala dhasheen wadamada Somalia, Eretria iyo Ghana, kuwaas oo inta hadda nool xaaladooda caafimaad aad looga dayrinayo.
Inta badan tahriibeyaasha ku sii jeeda wadamadda reer Yurub ayaa silic iyo saxariir dheer ka dib hadhaagoodu ay gaadhaan Wadamadaasi, waxaanay inta badan ku sii dhintaan bada u dhaxaysa Libya iyo talyaaniga, halka in kalena ay ku dhintaan Jeelasha darxumadu ay taalo ee Libya iyo saxaraha suudaan iyo Libya.

Wajaale News
Hargaysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS