Walaac Xoog Leh Oo Laga Muujiyay Doontii Ay Saarnaayeen 100-ka Qof Ee Tahriibayaasha Soomaalida Ah Oo Weli Lagu La? Yahay Maalintii Seddexaad Inta U Dhaxeysa Xeebaha Libiya Iyo Talyaaniga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Walaac Xoog Leh Oo Laga Muujiyay Doontii Ay Saarnaayeen 100-ka Qof Ee Tahriibayaasha Soomaalida Ah Oo Weli Lagu La? Yahay Maalintii Seddexaad Inta U Dhaxeysa Xeebaha Libiya Iyo Talyaaniga.
October 11, 2013 - Written by Wariye:

doon tahribayaalKampala-(Wajaale News)- Doon ka shiraaqatay xeebaha wadanka Libiya oo ay saarnaayeen Tahriibayaal Soomaali ah oo tiradooda lagu qiyaasay Boqol qof, ayaa lagu soo waramayaa in ay weli maalintii Seddexaad ku go?doonsan tahay oo lagu la? yahay biyaha badda u dhaxaysa dalalka Libiya iyo Talyaaniga.

Doontan ayaa lagu soo waramayaa in ay saarnaayeen Soddon Dumar ah, Labaatan carruur ah iyo Konton Rag ah, ayaa laga cabsi qabaa in ay khatar galaan noloshaha dadkaan doonta saaran, waxaana isa soo taraya baaqyo qaylo dhaan ah oo loo dirayo sidii ay ciiadamada gurmadka iyo samo-ta-bixinta ee dalalka Malta iyo Talyaaniga ay ugu gurman lahaayeen badbaadinta nolosha tahriibayaashan.
Si kastaba ha ahaatee, illaa iyo hada si rasmi ah looma oga xaaladaha dhabta ah ee walaaca leh ee ay ku sugan yihiin doontan iyo dadkii saarnaaba, lamina hayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen doontan iyo dadkii saarnaaba geeri iyo nolol toona. Waxaanay doontan la la? yahay ku soo beegantay xilli ay usbuucii hore ku qaraqantay xeebaha dalka Talyaaniga doon siday Shan Boqol oo qof oo tahriibayaal ah oo ay ku naf waayeen in ka badan Seddex Boqol oo Qof oo doontan saarnaa.

Wajaale News
Hargeysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS