WADDANI Burco Oo Soo Bandhigay Dhaliilaha Xukuumadda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WADDANI Burco Oo Soo Bandhigay Dhaliilaha Xukuumadda
October 31, 2013 - Written by editor

Xaflad Balaadhan Oo Garabyada Haweenka, Dhaliyarada Iyo Masuuliyiinta XIsbiga WADDANI Ee Gobolka Togdheer Ay Ku Qabteen Magaalada Burco Ayaa Waxay Soo Bandhigeen Dhaliilaha Xukuumadda.

Masuuliyinta Xisbiga Mucaaradka ah Ee Wadani Ee Gobalka Togdheer ayaa Maanta Kulan Baaladhan Oo ay isugu yimadeen Xarunta Dhexe Ee Xisbigaasi ku Leyahay burco.Waxayna Xukumada Madaxwayne Silanyo ku Eedeyeen inay ku Guuldaraystay Waxyabihii ay Bulshadu u Dooratay isla Markaasna ay Xukumadu Dano Gaar ah ka Leedahay Dhismaha Wadada Cerigabo.

Munaasibadani Oo ahayd Mid si Baladhan u Kulmisay Garabada Haweenka.Dhalinyarad iyo Masuuliyinta Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer.

Waxaana Ujeedada Kulankani Uu ahaa Mid ay Kaga Jawabayeen Eeday ay Xukumadu usoo Jeedisay Xisbisa Wadani isla Markaasna ay ku Eedaysay inuu Xisbigaasi ka soo Horjeedo Dhismaha Wadada Cerigabo.

Ugu Horaynba Waxa Munaasibadaasi ka Hadlay Gudomiyaha Xisbiga Mucaradka Wadani Ee Gobalka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd waxaanu Shegay in Aanu Xisbiga Waddani Marnaba ka soo Horjeedin Wadada Cerigabo Balse Wuxuu Tilmaamay in loo baahan Yahay in Guddi ka Madax Banaan Xukumada Loo Saaro Dhismaha Wadadaasi. Waxaana ka Mid ahaa Hadaladisii

” Ujeedada Kulankani Maanta Waa in Gudiyadda Haweenka iyo Dhalinyaradu ay soo Bandhigaan Tagerada Buuxda Ee ay u hayaan Xisbiga Wadani isla markaasna ay ku Garab Taagan Yihiin Go-aan Kasta Oo ay Soo Saaran Masuliyinta Sare.Xisbiga Waddani Hadaanu Nahay Waanu Soo Dhawaynaynaa Cid Kasta Oo Wadanka Wax u Qabanaysa Oo Aan Turxaan Kale ku Jirin.Xukumada Silanyo Malaa Waxaa la Modaa inuu ka soo Dhamaday Wakhtigii Somalidu Waxay ku Maahmahda Meel Haddii Aad u Qubaysato Waa Laga Qubaystaa.Gobalkan Togdheer Qabyooyin Badan ayaa Jira Tusaale Wadada Oodweye.Airport burco Haddana Maanta Xukumadu Waxay Calanka u Taagtay Wadada Cerigabo.Waxaanu Leenahay ha loo Saaro Guddi Madax Banan Wadadaasi si Loola Xisaabtamo ” Ayuu Yidhi Gudoomiye Xusen Kaahin

Dr: C/laahi Huruufe Oo isna ka Mid ah Masuuliyinta Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer Oo isna Halkaasi ka Hadlay ayaa Waxa Hadaladisii ka Mid ahaa

” Waxa iswaydiin Leh Maadama Silanyo Burco ka soo jeeddo Muxuu u Qabtay Dhinacyada Cafimaadka.Waxbarashad.Biyaha.Wadooyinka. Burco Waad Aragtaan Wadooyinkii Oo Dhami Way Wada Burbursan Yihiin Intii Siyaad Barre ka Qabtay Wax Danbe Lagama Qabanin.Waxaan Leeyahay Wax Alaale iyo Wax Uu Maanta Silanyo Gobalka Togdheer u Qabtay ma Jiraan.Walalayaal Kulmiye Wuu Inooga Daray ayaan Aamin-Sanahay.Kulmiyana Taladii Waddanku Wuu ku Guuldaraystay Markaasu isagoo Waddani ka Baqaya Uu Dacaayad Suuqa u Galiyo Oo Uu Yidhahdo Wadani Wuxuu ka soo Horjeeda Horumarka Dalka” Ayuu Yidhi C/Laahi

Gudomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Waddani Ee Gobalka Togdheer.Haween.Dhalinyaro iyo Masuuliyin ka Tirsan Xisbiga Mucaradka ah Ee Wadani Oo Iyaguna Halkaasi ka Hadlay ayaa Dhamaantod Xukumada ku Eedayay inay ku Fashilmatay Shaqadii ay Bulshadu u igmatay isla Markaasna Xisbiga Kulmiye Looga Baahan Yahay Sidii Uu u Banayn Laha Kuraasta Uu Hayo Ee Uu ku Fashilmay Mudadii Uu Xilka Hayay.

 Si Kastaba ha ahatee Munaasibadani Baladhan Ee ay isugu Yimadeen Garabada Hawenka.Dhalinyarada iyo Masuuliyinta Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer ayaa Kaga Jawaabayay Eedayn ay Xukumadu Xisbiga Wadani ku Eedaysay inuu ka Soo Horjeedo Dhismaha Wadada Cerigabo.

1.JPG6.JPG

WAJAALE NEWS DESK

BURCO OFFICE

COMMENTS
LINKS