Waa Tixdii Siciid Sulub-aa Gabyoo Yidhi: (Waa Laga Bilaadaa Amaba Lagaba Baaqdaaye, Idinkoo Baneeyaa Ka Roon Booskan Faalso Ah ‏ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Tixdii Siciid Sulub-aa Gabyoo Yidhi: (Waa Laga Bilaadaa Amaba Lagaba Baaqdaaye, Idinkoo Baneeyaa Ka Roon Booskan Faalso Ah ‏
October 20, 2013 - Written by editor
  • Waa Tixdii Siciid Sulub-aa Gabyoo Yidhi: (Waa Laga Bilaadaa Amaba Lagaba Baaqdaaye, Idinkoo Baneeyaa Ka Roon Booskan Faalso Ah ‏

 

Waxaan Salaamayaa shabakadaha baahineed iyo dhammaan bulshada reer soomaalilandba , maqalkii hore tixdii ku lifaaqnayd oo dhammaystiran ayaan idiin soo gudbinayaa mar kale iyo Siciid baa gabyoo yidhi :

ssulub

Birlabkii Siciid-baa(1) gabyoo baanay maansadan
Baarqabkii Xuseen iyo Caluu(2) baaq u dirayaaye

Bilaawe-cadde iyo inan ragoow hoo bariidadan

Waa baxar adduun faaladuye , belo ma sheegayn

Waxse buug ka qori laa midaad igaga beegnayde

Maxay barisamaadiyo dawaladnimo billi lahaayeen

Baarliin hadii Britain iyo Moosko(Moscow) bararayso

Oo Maraykan baxayoo , Turkigu naga boqoolaayo

Bahda caalamkoo dhami haday bigil ku yeedhayso

Oo boqol shir laysugu wacoo xamarna loo baaqo

Daahir kama baqayn oo anaga nagama baahaynoo

Billad qaran ninkaan nagu tolayn umaanu baahnayne

Kuwa haatan baayacaya oo , boodayaa yimiye

Waxa laba boglaynta ugu wacan beenta iyo hiida

Waa beer nugaylkaad tiqiin oo sii bardaadsadaye

Iyo meel barbaar iyo ciyaal birinbirqeeyaane

Beelbaa oontayeey waa kuwii baarcadayn jiraye

Ma haday Baraawiyo , Marka-ba dib ugu baahdeen

Hays barato waatay wax badan buuqa kiciyeene

Burjigii wasiirnimo lahayd , baanihii hadalka

Bismillaah adoon odhan, hortaa lama bilaabayne

Barta rag isku waajaho daraan bini la waydiinin

Oo aan shirkay kaba baxaan hadalka loo baajin

Oo laga baxsado maalintii baladka loo dhoofo

Oon aan hadana laga baqan inay badheedhaana

Barteenii Ragii ina badalay baahbaah weeyaane

Bood-boodkii Duur qayladii waa barkumataale

Baralamaan-kii uu joogi jirey belo ma moodeen

Boobkii degaanada haduu baaxadegayaaye

Boorame iyo waa Salal halkuu boodhka kiciyaaye

Beelahan ma kala saarayaa, ay buuqa galiyeen!?

Bulshadiyo dawayntuu Cabdi-gu baawar ku lahaaye

Badbuu galay, birtaba(3) lagama rogo booqashada guud

Berberiyo ma soo dhaafi karo , baadhis xoolaha,e

Shalay bay baxeen-buu maqlaa mana bariidshaane

Waa laga bilaadaa amaba lagaba baaqdaaye

Bi,waaye kulamaan jeclayn, baab raqiiskaas

Boodhaaqa kii qori jiriyo hadalkii beenoowye

Budhe iyo dubbuhu waa barajii bararaftoodiiye

Baab-cay wasiir lagu noqdaa kuma badbaadshaane

Maantuu Bidhiidh garanayaa baasuhuu dhigaye

Bi,waaye saw geeljirihu beesad ma ahayne

Buushaha yarkii qaatayee soo badalay dhuux

Ee aan hadana loo bacdhabin booskii godobeed

Bas inuu ka yahay waan ogaa baabka qiirada,e

Baahidii wadada oo ka furan baladkii soo doortay

Ayuu Bawn(4) u gurayaa madaar lagaga beegnaaye

Bi,waaye Waabeeyadii maaha tii bahal

Waxba yaanan sii badininoo buur la sii korine

Kuwo aan bustaha saarayiyo biiq-ba waa hadhaye

Inta aan sidaa Boobahaa, Bucul ku waydaarin

Amaan sida biciid-kii cadaa boodhka lagu jiidin

Idinkoo baneeyaa ka roon booskan faalso ah

 

Waa Caaqil Saxardiid Geelle

Caaqilsaxardiid@hotmail.com

 

(1) Siciid Sulub

(2) Cawil iyo Cali Warancade

(3) Birtaba lagama rogo: birta afaafka madaxtooyada laga galo

(4) Pound : Giniga lacagta ingiriiska

COMMENTS
LINKS