Waa Maxay Ujeedada Wasiir Xirsi Wadada Cerigabo Uga Bilabay Degaanka Magaalo-Yar + Warbixin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Maxay Ujeedada Wasiir Xirsi Wadada Cerigabo Uga Bilabay Degaanka Magaalo-Yar + Warbixin
October 11, 2013 - Written by Wariye:

wasiir xirsiBurco (Wajaale News) Gobalka Sanaag Waa Gobal Taarikh Facwayn ku Leh Somaliland isla Markaasna waa Gobalka ugu Baladhan Bad ahaan dhulka dalka.

Xukumada Uu Hogamiyo Madaxwayne Silanyo ayaa Shacisay inay Xukumad ahaan ay Dhisi-Doonto Dhismaha Wadadaasi.

Wadada Cerigabo Waa mid Baaxad wayn isla Markaasna ay Dadka Degaankasi ay Kala Kulmaan Dhibaatoyin Badan Oo ah Dhinaca Safarka ah.

Bilowga Dhismaha Wadadani ay Shegtay inay Xukumadu Dhisi-Doonto Waa Mid ka Dhaadhici Wayday Shacabka Reer S/land Maadama ay Wadadani Tahay mid Baladhan Oo u baahan Dhismaheeda in Shacab iyo Xukumadba Laga qaybqaato.

Balse Dadwaynaha Kale Duwan Ee Magalada Burco ayaa Aragtiyo Kale Duwan ka Dhiibtay Qorshaha ay Xukumadu Wadato Ee ay Doonayso inay ku Hirgaliso Wadadani.Waxaanay Shegeen in Dhismaha Wadadani ay Tahay Mid Dano Gaar ah Laga Leeyahay isla Markaasna Tuuloyin Cusub Loogu Samaynayo Wadooyin.

Magaalada Cerigabo Waxay Leedahay Wado Tarikhiya Oo Laga Galo.

Degmada Oog waa Wadada Saxda Ee Laga Galo Gobalka Sanaag waxaanay Guud ahaanba Madaxtoyadu Meesha ka Saartay in Wadada Cusub Ee Loo Samaynayo Gobalkaasi Laga Bilaabo Tuulada (Magaalo-Yar)

Qorshahani ay Xukumadu Bilowday inay Wadadani ka Bilowdo Tuulada Magaalo-Yar ayaa ah Qorshe Uu Wasiirku Madaxtoyadu ka Leeyahay Dano Gaar ah isla markaasna Uu ku Raadsanayo Dhaqaale.

Wadadani ayaa ah Mid ay Aad u Kala Fogyihiin Halka Wakhtigani Laga Bilaabay iyo Meeshii ay Hore u Marijirtay Oo ah Degaanka Oog.

Wadada Cerigabo ayaa Masaafo ahaan Dhan 260 Km Wadada Oog Halka ay 300 Km Dhan Tahay Magaalo-Yar.Hadaba Waa Maxay Ujeedada 40 Km Maadama Aan Dhaqaale Xoogan Loo Haynin Waddani Looga Bilaabay Degaanka Magaalo-Yar.

Dayib Cabdi Xirsi Oo ka mid ah Dhalinyarada Gobalka Togdheer ayaa Walaac Xoogan ka Muujiyay Qorshaha Qarsoon Ee Uu Wasiirku Madaxtoyadu ka Leeyahay Goobta Laga Bilabay Wadadani Oo Uu Tilmaamay Mid Lagu Kala Fogaynayo Shacabka Gobalka Sanaag.

Waxaana ka Mid ahaa Hadaladisii ” Waxa la Yaab leh Qorshaha Uu Xirsi ka Leeyahay Wadadani.Wadada Cerigabo Loo Maro Waa mid la Wada-Yaqaano cidna Loo Sheegi-Maayo.Halka la Marinaya Maaha Wadadii Saxda ahayd Ee Cerigabo.Reer Gaar ah ayuu Xirsi Wadooyin u Samaynayaa.Maaha wax ay Shacabka Reer Sanaag ka Raali-Yihiin.Mashruuca Wadadani Waxaanu u aragnaa Mid Lagu indho Sarcadinayno indhaha Shacabka,Wasiir Xirsina Malaa Qorshe Uu Lacag ku Urursado ayuu Wayaayo Markaasu Yidhi Wadada Cerigaban Dhisayaa.Anagu Waxaanu u aragnaa Wadadani Mid Lagu Minjo-Xaabinayo Wadada Oodwayne Oo Wakhtigani Maraysa Meel Fiican” ayuu Yidhi Aqoon-Yahan Cabdi Cabdi Xirsi

Mashruuca Dhismaha Wadada Cerigabo ayaa ah Mashruuc ay Xukumadu Olole Baladhan ugu jirto si ay Uga Hesho Dhaqaale Xoogan.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X- Xasan ayaa isagu Maalmihii u Danbeyayba Dugsiyada Magalada Hargaysa ka Waday Olole Uu Dhaqaale Ugu Ururinayo Wadadaasi Maadama Wasaradiisa Madaxtoyada la Hoos Keenay Haayadda Wadooyinka S/land.
Ugu Danbayntii Mashruucani Uu Daba ka Riixayo Wasiirka Madaxtoyadu Ee Dhismaha Waddada Cerigabo ayaa ah Mid Lagu Raadsanayo Dhaqaale.isla Markaasna Aanay Xukumadu Daacad ka ahayn Hirgalinta Waddadani.

Wajaale News
Hargeysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS