Ururuka Ardayda Somaliland Ee Dalka Masar Oo Xaflad Soo Dhawayn ah u Sameyey Wafti Wasiiro Ah Oo yimi Wadanka Masar.+Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururuka Ardayda Somaliland Ee Dalka Masar Oo Xaflad Soo Dhawayn ah u Sameyey Wafti Wasiiro Ah Oo yimi Wadanka Masar.+Sawiro
October 27, 2013 - Written by editor

waxa sidoo kale madasha ka hadlay Wasiirka Arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka warbixiyey hawlaha shaqo ee ay u imaadeen masar iyo halkay wax u marayaan

Masar (Wajaale-news)Ururka Aradayda Somaliland ee Dalka Maser ayaa soo qabanqaabiyey xalfad soo dhawayn ah oo ay u sameeyeen wafti culus oo ka socday xukuumada Somaliland.

Waftiga oo ka kooban wasiirka arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah Mudane Maxamed Biixi Yoonis ,Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta Sare Marwo Zamzam Cabdi Aadan Iyo agaasimaha waaxda arimaha carabta iyo woqooyiga Africa Mudane Fahmi Qaasim oo ayaamahanba u joogay arimo shaqo wadanka Masar ayaa xalfad si heer sare loo soo agaasimay loogu qabtay xarunta wadanka Masar ee

Qaahira, waxaanay waftigu xogwaran buuxa siiyeen  ardayda iyo jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan dalka Masar.

 

Ugu horeyntii waxa xaflada furay oo hadal soo dhawayn ah ka  jeediyey Gudomiyaha Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka Masar Mudane Mukhtaar Ibraahim Batuunisaga oo wasiirada ku soo dhawayey wadanka Masar waxa uu uga xaal waramayey duruufaha ardayda somaliland ee ku dhaqan wadanka maser iyo jaliyadaba.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay xidhiidhka tooska ah ee ay yeesheen Somaliland iyo Masar,waxanu wasiirada ka codsaday in xukuumada iyo Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka masar xidhiidhkooda sii xoojiyaan.

 

Waxaa isna Madasha ka hadlay Aqoonyahan C/laahi Nuur Xasan (C/laahi Dahabshil)oo talooyin wax ku ool ah u soo jeediyey waftiga isaga oo hoosta ka xariiqay ahmiyada iyo culayska ay leedahay masuliyadu,waxanu wasiirada iyo xukuumadaba ku amaanay hawsha culus ee ay u hayaan qaranka.

 

Inaa ka dib waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada iyo Tactiilnta sare Marwo Zamzam Cabdi Aadan.Wasiirku waxay warbixin dheer ka bixisay xaalada wadankii uu marayo iyo heerka ay tacliineed ee dalku marayo waxaanay aad ugu dheeraatay marxaladihi kala duwanaa ee uu dalku soo maray waxanay farta ku fiiqday in wadanku u baahanyahay aqoonyahano.wasiirku waxay ardayda ku dhiiri galisay in ay waxbarashadooda ku dadaalaan wadankana dib ugu soo laabtaan oo wax u qabtaan dalkooda hooyo.

 

waxa sidoo kale madasha ka hadlay Wasiirka Arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka warbixiyey hawlaha shaqo ee ay u imaadeen masar iyo halkay wax u marayaan,wasiirku waxaa uu sheegay in ilaa imika hawluhu si fiican ugu socdaan waxaanu ardayda iyo jaaliyadaba kula dardaarmay inay iyagna dhinacooda ka galaan dadaalka loogu jiro in qadiyada somaliland cid walba laga dhaadhiciyo oo ay geed ka goan tahay.

Wasiirku waxa uu gabogabadii mahadnaq balaadhan u jeediyey Ururka Ardayda somaliland ee Dalka Masar Xaflada quruxda badan ee soo dhawaynta ah ee ay soo agaasimeen.

 

Gabagabadii xaflada waxa wasiirada la waydiiyey suaalo dhawr ah kuwaas oo ay dhamaan uga wada jawaabeen cid kasta oo suaal qabtay.

 

 

            

                 Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka Masar

            Somaliland Students Organization In Egypt (SSOE)

                            ssoe_2003@hotmail.com

COMMENTS
LINKS