Ururka Tallo Wadaag & Hay?ada ODHA Oo Tartan Lagaga Wacyi-gelinayo Dhalinyarta Tahriibka & Balwadaha Ka Furay Garoonka Xaafada Sheekh Nuur | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Tallo Wadaag & Hay?ada ODHA Oo Tartan Lagaga Wacyi-gelinayo Dhalinyarta Tahriibka & Balwadaha Ka Furay Garoonka Xaafada Sheekh Nuur
October 22, 2013 - Written by editor

Hargeysa(WJN):-Waxaa garoonka kubada cagta ee ku yaala Xaafada Sheekh Nuur uga furmay 12 kooxood oo kubada cagta heerka saddexaad ah tartan lagaga wacyi-gelinayo Tahriibta iyo Balwadaha.

Hargeysa(WJN):-Waxaa  garoonka kubada cagta ee ku yaala Xaafada Sheekh Nuur uga furmay 12 kooxood oo kubada cagta heerka saddexaad ah tartan lagaga wacyi-gelinayo Tahriibta iyo Balwadaha.

Tartankan oo ay iska kaashadeen Ururka dhalinyarada ee Tallo Wadaag   ee ka dhisan Xaafada Sheekh Nuur iyo Hay?ada Wadaniga ah ee ODHA, ayaa kulankiisi furitaanka waxaa



maalintii shalay xaflad loogu furayay 12-ka kooxood oo ka qabsoontay garoonka dhexdiisa ka soo qayb galay Masuuliyiinta Ururka Samotalis iyo Hay?ada ODHA, Taliyaha Saldhiga Sheekh Nuur Xariir Cilmi Xujaale, Guddoomiyaha Xaafadaas  Saleebaan Samatar Ibraahim iyo dadweyne baddan oo degan xaafadaas.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Ururka dhalinyarada ee Tallo Wadaag  Xasan Cali Maygaad, waxaana uu xusay inay ujeedada tartankan ay u qabteen ay tahay inay Wacyi-galiyaan dhalinyarta degan xaafadan taas oo ay ka wacyi-geliyaan dhibaatada Tahriibka iyo Aafada Balwadaha, isagoo sidoo kale u mahadnaqay Hay?ada Wadaniga ah ee ODHA oo iyadu ka maal-galisay tartankan. Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Taliyaha Saldhiga Xaafadaas iyo Guddoomiyaha Xaafadaas oo aad ugu mahadnaqay Ururkan Samotalis oo ah Urur dhalinyarta xaafadu ku bahoobeen iyo Hay?ada Wadaniga ah ee ODHA.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadashay kuna wareejisay Koobabkii iyo kubadihii loogu talo galay tartankan Guddoomiyaha Hay?ada Wadaniga ah ee ODHA Marwo Faadumo Siciid, iyadoo halkaasna ka jeedisay hadal qiiro badnaa oo ay ku Wacyi-gelinaysay Dhalinyarada tartanka loo qabtay iyadoo u sheegtay inay ka digtoonaadaan iskana ilaawaan Tahriibka iyo Balwadaha oo dhibaato baas ku haya dhalinyarada maanta, kuna qancisay inay joogaan wadankooda oo ay sharaf iyo karaamo ka heli doonaan, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa ?Waxaa maanta farxad weyn ii ah inaan garoonkan uga furno 12-kooxood oo kubada cagta tartan, kaas oo u jeedadiisu tahay in dhalinyarta loo soo bandhigo loogana digo dhibaatada wakhti xaadirkan jirta ee Tahriibka ah iyo weliba Balwadaha maalinba maalinta ka dambaysa sii balaadhanaya, waxaan kale oo aan u mahadnaqayaa Ururka Samotalis oo ah runtii dhalinyaro dedaalaya kuwaas oo aan qabo inay wax baddan u qaban doonaan xaafadan iyo dhalinyaradaba, waxay ODHA ahaan naga dalbadeen inaan u qabano tartankan oo runtii muhiimad weyn u leh dhalinyartan waxaanan ka aqbalnay codsigoodii oo waataa aanu maanta ku wareejinayno kubadihii lagu ciyaari lahaa iyo koobabkii la guddoonsiin lahaa kooxaha tartankan ku guuleysta, Insha Allahu waxaan rajayn doona inuu si wanaagsan oo nabadgalyo ah inoogu dhamaado? ayay tidhi Marwo Faadumo Siciid. Tartankan oo ay ka qayb galayaan 12-kooxood oo heerka saddexaad ah ayaa loo qaybiyay saddex Group waxaana maalin kasta la ciyaari doonaa laba kulan iyadoo ay garoonkaas ay ka soo qayb galaan daawashadiisa dadweyne aad u tiro baddan oo si weyn u xiiseeya daawashada ciyaarta kubada cagta.

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS