|
|||||
WAJAALE NEWS
Ururka Qurban Oo Deeq Adhi iyo Geel Isugu Jira U Qaybiyay Dadka Barakacayasha Ah Ee Magalada Burco
October 16, 2013 - Written by Wariye:Burco (Wajaale News) Ururka Qurban Oo ay ku Midaysan Yihiin Ganacsadayaal u Dhashay Wadamada Malaysia iyo Singapore ayaa Deeq adhi ah Oo dhan 205 iyo 10 Neef Oo Geel ah u qaybiyay Kaamamka ay ku Dhaqan Yihiin Dadka Barakacayasha ahi. Deeqdani Xoolaha ah Ee ay Masuliyinta Ururka Qurban u Qaybiyeen Kaamamka Barakacayasha Aden Saleban.Kosaar iyo Cali Xuseen ayaa ah Deeq Uu Ururkaasi ugu talo galay in Lagaga Farxiyo Bulshada Muslimiinta ah Ee u Baahan Gargaarka. Ugu Horaynba Qaybinta Deeqdani ayaa Waxa ka Hadlay Khaliif Maxamed Warsame (Xiin-Wal) Waxaanu Madaxda Ururkaasi uga Mahad Celiyay Deeqdani ay soo Gadhsiyeen. Mr: Khaliif ayaa sidoo kale Tilmaamay in Ururkani Ugu Talo-Galay Qaybinta Xoolahani inay Sadaqo Ugu Baxsadaan Munaasibada Ciidul udxa.Waxaanu Xusay in la sii Laban-Laabi Doono Deeqaha Noocan Oo Kale. Xildhibaan ibraahin Jaamac Basaale.Xildhibaan C/Raxmaan Laki. iyo Xildhiban Khadar Siciid Oo ayaa iyaguna ayaa ugu mahad Celiyay Ururkaasi Deeqda Soo Gadhsiyay Waxaanay Shegeen in loo baahan Yahay Sidii Loo Barbar istaagi-Lahaa Sidii Tagero Loo Siin-Lahaa Dadka Barakacayasha ah. Gudomiyayasha Kaamamka Aden Saleban.Kosaar iyo Cali Xuseen ayaa dhankooda Xusay in Kaamamkani ay ku Dhaqan Yihiin Dad Danyari ahi. Masuliyiintii Qaybinayay Deeqdani Xoolaha Oo Iyaguna Halkaasi ka Hadlay ayaa Shegay inay sii Wadi-Donaan Deeqaha Noocan Oo Kale isla markaasna Waxay Tilmameen inay Tagero wayn u Muujin-Donaan Dadka Danyarta ah. Dhinaca Qaar ka Tirsan Dadkii Danyarta ahaa Ee ay Ururka Qurban Maanta u Qaybiyeen Deeqda Xoolaha ah ayaa Dhamaanba Ummada islaamka usoo Jeediyay inay u Baahan Yihiin Kaalmaha noocan Oo Kale ah Ee Ururka Qurban Maanta Soo Gadhsiyay. Si Kastaba Ha ahatee Deeqdani Ururka Qurban u Qaybiyay Dadka Danyarta iyo Barakacayasha isugu Jira ayaa Deeqdani ay Wax Wayn ka Tari-Doonta Bahiyihii Hore u haystay Dadkaasi Danyarta ah.
Wajaale News Hargaysa Office Info:wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|