Ururka Qurban Oo Deeq Adhi iyo Geel Isugu Jira U Qaybiyay Dadka Barakacayasha Ah Ee Magalada Burco | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Qurban Oo Deeq Adhi iyo Geel Isugu Jira U Qaybiyay Dadka Barakacayasha Ah Ee Magalada Burco
October 16, 2013 - Written by Wariye:

ururka qurbanBurco (Wajaale News) Ururka Qurban Oo ay ku Midaysan Yihiin Ganacsadayaal u Dhashay Wadamada Malaysia iyo Singapore ayaa Deeq adhi ah Oo dhan 205 iyo 10 Neef Oo Geel ah u qaybiyay Kaamamka ay ku Dhaqan Yihiin Dadka Barakacayasha ahi.

Deeqdani Xoolaha ah Ee ay Masuliyinta Ururka Qurban u Qaybiyeen Kaamamka Barakacayasha Aden Saleban.Kosaar iyo Cali Xuseen ayaa ah Deeq Uu Ururkaasi ugu talo galay in Lagaga Farxiyo Bulshada Muslimiinta ah Ee u Baahan Gargaarka.

Ugu Horaynba Qaybinta Deeqdani ayaa Waxa ka Hadlay Khaliif Maxamed Warsame (Xiin-Wal) Waxaanu Madaxda Ururkaasi uga Mahad Celiyay Deeqdani ay soo Gadhsiyeen.

Mr: Khaliif ayaa sidoo kale Tilmaamay in Ururkani Ugu Talo-Galay Qaybinta Xoolahani inay Sadaqo Ugu Baxsadaan Munaasibada Ciidul udxa.Waxaanu Xusay in la sii Laban-Laabi Doono Deeqaha Noocan Oo Kale.

Xildhibaan ibraahin Jaamac Basaale.Xildhibaan C/Raxmaan Laki. iyo Xildhiban Khadar Siciid Oo ayaa iyaguna ayaa ugu mahad Celiyay Ururkaasi Deeqda Soo Gadhsiyay Waxaanay Shegeen in loo baahan Yahay Sidii Loo Barbar istaagi-Lahaa Sidii Tagero Loo Siin-Lahaa Dadka Barakacayasha ah.

Gudomiyayasha Kaamamka Aden Saleban.Kosaar iyo Cali Xuseen ayaa dhankooda Xusay in Kaamamkani ay ku Dhaqan Yihiin Dad Danyari ahi.
Waxaanay Baaq u Direen Haayadaha Calamiga ah inay Gargaar u Fidiyaan Dad Danyarta ah.

Masuliyiintii Qaybinayay Deeqdani Xoolaha Oo Iyaguna Halkaasi ka Hadlay ayaa Shegay inay sii Wadi-Donaan Deeqaha Noocan Oo Kale isla markaasna Waxay Tilmameen inay Tagero wayn u Muujin-Donaan Dadka Danyarta ah.

Dhinaca Qaar ka Tirsan Dadkii Danyarta ahaa Ee ay Ururka Qurban Maanta u Qaybiyeen Deeqda Xoolaha ah ayaa Dhamaanba Ummada islaamka usoo Jeediyay inay u Baahan Yihiin Kaalmaha noocan Oo Kale ah Ee Ururka Qurban Maanta Soo Gadhsiyay.

Si Kastaba Ha ahatee Deeqdani Ururka Qurban u Qaybiyay Dadka Danyarta iyo Barakacayasha isugu Jira ayaa Deeqdani ay Wax Wayn ka Tari-Doonta Bahiyihii Hore u haystay Dadkaasi Danyarta ah.

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS