Turkiga Oo Furay Khad Tareen Oo Badda Hoosteeda Maraya Oo Isku Xidhaya Qaaradaha Yurub Iyo Asiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Turkiga Oo Furay Khad Tareen Oo Badda Hoosteeda Maraya Oo Isku Xidhaya Qaaradaha Yurub Iyo Asiya.
October 30, 2013 - Written by Wariye:

Istanbul(Wajaale News) -Dalka Turkiga ayaa hirgalinaya mashruuc aad u ballaadhan oo ay ku baxayaal lacag aad u badani kaasi oo ah khad tareen oo badda hoose teeda maraya,Tareenkani cusub ee badda hoosteeda maraya waxa uu ka gudbaya khooriga loo yaqaanno Bosphorus, waxanu isku xidhaya xeebaha Yurub iyo Aasiya markii ugu horraysay taariikhda.

Ra’iisalwasaaraha Turkiga Racip Erdogan ayaa rasmi ahaan u furay mashruucii u horeeyey ee tareen badda hoosteeda maraya oo isku xidhaya labadan qaaradood.

Hirgalintan mashruucan waxay ka dhabeysay riyadii Sultaankii xukumi jiray Turkiga 150 sano ka hor oo mashruucan oo kale ku fikiray, si loo helo jid loo bixiyey ‘Jidkii Xariirta’ oo lagu hammiyayey in la xidhiidhiyo ilaa iyo Shiinaha,Waxaa ku baxay mashruucan 3 bilyan oo euro, waxaana iska kashaday Turkiga iyo Japan.

Markii xadhiga laga jaray mashruuca oo ay ka qayb galeen madax badan oo adduunka ka kala socotay oo lagu martiqaaday ayaa musiga dalka Turkiga la garacay oo loo dabaaldegay,qorashahan mudada dheer lagu haminayey ee maanta ficilka loo badelay.

Dhaqan ahaanna magaalada Instanbul waxay u taagnayd magaalo kulmisa xadaaradaha Aasiya iyo dhinaca kale kuwa reer Yurub, sidaasi awgeedna waxa munaasabaddani loo sameeyey xaflad weyn oo caalami ah oo lagu casuumay madax adduunka ka kala timid,oo u badan madaxwayne yaal iyo Raysal wasaareyaal.

Raysal wasaaraha Turkiga Recep Erdogan waxa uu ku tilmaamay mashruucani in aanu ahayn mid u gaar ah Turkiga oo qudha, laakiin u faa’iideynayo ban’iiaadamka oo dhan,isla markaana uu fududaynayo isu socodk bulshooyinka.

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS