|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaan Xukuumada Ku Cambaareeyay Inay Sii Hurinayso Xaalada Amni-darada Ah Ee Ka Taagan Degaanka Cabdiqaadir Ee Degmada Saylac
October 28, 2013 - Written by editor“Dhibaatadan u dambaysay ee ka dhacday Cabdiqaadir waa mid salka ku haysa waxyaabihii laga dhaxlay doorashooyinkii u dambeeyay”Suldaan Muuse
BOORAME(Wajaale-news)-Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye Sanbuurag oo ka mid ah salaadiinta gobolka Awdal ayaa ka dayriyay xaalada nabadgalyada ee degaanka Cabdiqaadir ee degmada Saylac oo ay dhawaan kooxo dablay ahi dab ku sudheen beero ay leeyihiin dadka degaankaas gaar ahaan dhulbeereedka Darbi-xoore, Suldaan Muuse oo xaaladan dhacday waxa ay salka ku hayso ka waramaya ayaa yidhi “Dhibaatadan u dambaysay ee ka dhacday Cabdiqaadir waa mid salka ku haysa waxyaabihii laga dhaxlay doorashooyinkii u dambeeyay, waa wax yaab ah in degaankaasi ay rag meelo kale ka yimid iska soo galaan oo ay xabado ku ridaan dadkii degaanka oo ay beero badan dab qabadsiiyaan, ilaa hadana aanay xukuumadu waxba ka qaban, waxana aan aaminsanahay inay tahay dhibaatada meesha taalaa mid ay beereen wasiiradii degaankaasi ku laalaabanayay. Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye waxa uu dhaliilay taliska Booliska ee gobolka Salal waxana uu yidhi “Waxa aan ognahay in Taliska booliska ninka haystaa oo la yidhaa Mudane Maxamed Faarax uu horeba ugu fashilmay arimo nabadgalyo daro abuuray oo ka dhacay degaanka Gabilay ee uu maamulayay kadib markii xiisadii Ceel-bardaale ay cirka isku shareertay, u malayn maayo in ninkaasi uu diyaar u yahay inuu maslaxad iyo nabadgalyo doono oo uu bulshada wanaag ugu adeego, xaaladaasna waxa ka dhalan kara in dadku ay ciidan beeleed samaystaan si ay amnigooda u sugaan hadii ay waayeen in xukuumadii amnigooda sugi lahayd. Sidoo kale waxa uu Suldaan Sanbuurag cambaareeyay waxa uu ugu yeedhay talaabada ay xukuumadu ka qaaday degaankaasi shaqaaqada ka dhacday waxana uu yidhi “Markii uu badhasaabka Salal Cabdilaahi Qulujeed iyo Maayarka Saylac tageen Cabdiqaadir, waxa ay soo xidhxidheen dadkii dhibanaha ahaa ee xukuumada qaylodhaanta u dirtay, waxa ay u sababeeyeen wax aan jirin waxana ay yidhaaheen waa loo baahan yahay in labada dhinacba la wada qaado si arinta dib loogu eego hadii ay tahay xiisad degaanka ka taagan, waxana aan mar kale cambaaraynayaa falkaasi oo aan ku sheegayo mid cadaalada ka baxsan oo lagula kacay dad dhibanayaal ah. Ugu dambayntii waxa uu Suldaan Muuse Sanbuurag ugu baaqay dadka inay is dajiyaan isla markaana nabadgalyada dhawraan, tani badalkeedana waxa uu xukuumada dhexe ka dalbay inay si dhaqso ah wax uga qabato arintan oo ay faragalin ku samayso waxa uu ugu yeedhay fashilaada ay degaanka Saylac la joogaan maamulka halkaasi ka arimiya.
WAJAALE NEWS DESK BORAMA OFFICE CONTACT US : Wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|