Sucuudiga Oo Markii Ugu Horraysay Ku Guulaysatay In Ay Kursi ku Yeelato Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sucuudiga Oo Markii Ugu Horraysay Ku Guulaysatay In Ay Kursi ku Yeelato Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay
October 19, 2013 - Written by Wariye:

Prince Khalid Al-Faisal attends the opening ceremony of the Souq Okaz Festival at the Okaz market in TaifSaudi(Wajaale News)-Dawladda Sucuudiga ayaa markii ugu horraysay shalay ku guulaysatay  kursi ka mid ah xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay sida uu soo tebiyey telefiishanka Al Arabiya.
Sucuudigu waxa uu ku biiray kuraasta ay haystaan dawladaha Chad, Chile, Lithuania iyo Nigeria oo ku yimaada doorasho, waxaanay shantan xubnood ee aan joogtada ahayn beddeli doonaan Azerbaijan, Guatemala, Morocco, Pakistan iyo Togo, kuwaasoo ka mid noqon doona 15 xubnood ee Golaha Ammaanka bisha January horraantiisa.

Shan xubnood ee loo doortay xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka waxay ku guulaysteen cod aan cidna ka soo horjeesan, balse waxay u baahan yihiin in lagu ansixiyo saddex meeloodaw laba meelood oo ka mid ah Golaha Sare ee Qaramada Midoobay.
Kursigan Sucuudigu ku guulaystay wuxuu siinaya boqor Cabdallah awoode dheeraad ah oo kaga hadli karo xaaladaha ammaan darro ee bariga dhexe ka aloosan, gaar ahaan dalwadda Suuriya.

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS