|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland Oo Si Weyn Looga Xusay Xuska Maalinta Araga Adduunka (World Sight Day) Oo Ku Asteysan Maanta Iyo Wasiirka Caafimadka Oo Fariin U Direy Shacabka
October 11, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News): Xaflad loogu dabaal-dagayey xuska Maalinta araga adduunka (World Sight Day) oo loo asteeyey in sanad-walba loo dabaal-dego maanta oo kale 10-October 2013 ayaa si weyn looga xusay Somaliland. Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), qaar ka mida dhakhaatiirta Indhaha Jeexa, Masuuliyiinta hay?ada Manhal,Wakiilka hay?ada WHO ee Somaliland iyo masuuliyiin kale,Waxaana Munaasibadan soo qaban-qaabiyey hay?ada Manhal. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Aragtidu waa shay aad muhiim ugu ah nolosheena iyo jiritaankeena, waxaan ILAAHAY ka baryeynaa in inteena indhaha qabta uu innaga bad-baadiyo cudurka indho la?aanta, inta indha beesheyna laba aragtiyoodbaa jiree in ILAAHAY u xoojiyo aragtida labaad oo qalbiga ah.” Dr.Cabdisamad Xasan Haye oo ka mid ahaa dhakhatiirta kulankasi ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey muhiimada uu xuska Maalinta araga adduunku uu leeyahay,waxaanu yidhi”Kulankan maantu waa mid taariikhiya oo horena aan u dhicin, dadka indhaha ka shaqeeya oo meelo kala duwan isaga yimid ayaa maanta halkan ku kulmay,muhiimada uu leeyahayna waa mid weyn, waxaana ay ina tusineysaa waji-cusub oo inoo bilaabmay oo ah inaan si wada jir ah ula dagaalano arag yarida inagoo ka kala socona meelo kala duwan”. Madaxa qaybta Caafimaadka ee Hay´ada Manhal Dr. Maxamed Axmed Shiine oo isaguna kulankaasi ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey heerka indho la´aanta ee dalka waxaanu yidhi?Marka aynu eegno heerka Somaliland ee indho la?aanta waxa lagu qiyaasaa1.2% (Boqolkiiba hal dhibic laba) inay indho la?a yihiin,taas macnaheedu waa Sodon kun oo qof (30,000) oo indho la?a ayaa Somaliland gudaheeda jooga, sanad walba waxa ku soo biira oo indha beela sadex kun (3,000) oo cusub.”. Dr.Shiine waxa uu sheegay in kor-u-kac uu yimid daweynta dadka xanuunkaasi ku dhaco waxaanu yidhi “Qaliinka loo sameeyo dadka indhaha la?a wuu is bedelay ilaa 2004tii, WHO-na waxay ku qiyaasaysay in 254 qof la qali jiray Milyankii qof, laakiin sanadkii 2012-kii tiradeasi way todobada jeer laabtay,waxaanay gaadhay ilaa 1600-qof ayaa laga qalaa halkii Milyan ee qof,runtiina waa wax lagu faano”. Wakiilada Hay?ada WHO ee Somaliland Marwo Aasiya Cismaan oo halkaasi ka hadashay ayaa ku baaqay in loo midoobo wax ka qabashada xanuunada indhaha ku dhaca,si loo yareeyo ayey tidhi indha la?aanta,waxaanay tidhi “Waxa loo baahan-yahay in bahda Caafimaadka ee Wasaarada iyo hay?adaha kale ee daneynaya indhaha inay isugu tagaan oo ay barnaamij gaara u samaayeen oo ay kaga hor tagaan xanuunadani”. Wajaale News Related posts:Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka S.P.P Oo Shacabka Jsl Ku Hambalyeeyay Curashada Sanad Cusub Ee 2024. DAAWO; Xildhibaan Bukhaari Oo Eedo Culusna Ujeediyay Shakhsiyaad Uu Ku Eedeeyay In Ay Taageeraan Jab... Wasiirka Ganacsiga Jsl Oo Ka Hadlay Tacriifada Alaabooyinka Dekeda Berbera Ee Dp World Kor Uqaaday O... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|