Socdaalkii Fadeexadaysnaa Ee Mayar Ku Xigeenka Gabiley Ku Tagay Allaybaday Iyo Gudoonka Degmada Allaybaday Oo Hargaysa U Caways Yimid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Socdaalkii Fadeexadaysnaa Ee Mayar Ku Xigeenka Gabiley Ku Tagay Allaybaday Iyo Gudoonka Degmada Allaybaday Oo Hargaysa U Caways Yimid.
October 29, 2013 - Written by Wariye:

mayir ku xigeenAllaybaday (Wajaale News):-Guddoomiye ku xigeenka golaha deegaanka degmada Gabiley Cabdi Iid Gole oo uu weheliyo xildhibaan Jamaado Sh Adan oo isaguna ka tirsan golahaas oo labadoodaba laga soo doortay degmada allaybaday oo dhawaan kormeer ku tagay degaanada hoos yimaada degmadaas.
Maayar ku xigeenka golaha deegaanka Gabiley ayaa sida ay baahisay shabakadda wuxu soo bandhigay qashin tuulmay gudaha magaalada Allaybaday iyo fayo dhawr la’aan ka jirta degmadaas sida lagu sheegay warbixinta laga qoray.
Warar aannu ka hellay goob joogayaal madaxbannaan oo ku sugnaa Allaybaday ayaa noo xaqiijiyay inuu Maayar ku xigeenku safarkiisu ahaa mid kadis ah oo lagu soo beegay xilli ay maamulkii dawladda dhexe u dooratay degmadu kaga maqnaayeen Hargeysa, isla markaana uu ku dhaliilay maayar ku xigeenku dayacaadda fayadhawr ee ka jirta Allaybaday inay ka masuulyihiin Guddoonka degmada oo lagala xisaabtami doono.
Soo bandhigida xashiishka tuulmay waxay boog ku noqonaysaa mayar ku xigeenka iyo guud ahaan masuuliyiinta kale ee allaybaday ku sugan, sidaa awgeedna masuuliyadda fayadhawrka iyo waxqabadada kaleba ee Allaybaday waa mid si toos ah u taabanaysa iyaga.
Maayar ku xigeenka oo sida ay qaar ka mid ah dadweynaha reer Allaybaday noo xaqiijiyeen marka laga reebo safarro shakhsi ah oo uu xilliyo kala duwan ku gaadhay magaalada ay tahay markii u horraysay ee uu si rasmi ah oo warbaahini la socoto u yimaado magaalada ayaa looga fiicnaa inuu sidan oo kale ee fadeexadda ah warbaahinta usoo mariyo qashinka buux dhaafiyay iyo caagadaha madhan ee tuulan maadaama ay tani caddaynayso uun gabood fallo ay masuuliyadeeda inta badan leeyihiin golaha deegaanka Gabiley ee uu Maayar ku xigeenku ka tirsanyahay, si gaar ahna uu Maayar ku xigeenku isagu ka soo baxay oo laga soo doortay Allaybaday.
Isku soo wada duub degmada allaybaday ayaa noqotay meel tartan jinni uu yeelo sabatoo ah waxaa intii xukuumadani joogtay isbadalay illa 3 gudoomiye oo seddexdaba hargaysa laga keenay, waxaana marka gudoomiye la badalayo laga keena caasimada hargaysa badalkooda waxaa loo aaneeyaa sida ay dad ku sugan allaybaday noo sheegeen in cid uu wato wasiirka maaliyada C/Casiis Samaale uu keeno allaybaday taas oo dadka ku dhaqan allaybaday ayna wada ogolayn in dusha lagaga keeno maamul guurayo oo uu samaale soo ansixiyay,
Lama oga goorta allaybaday ay ka bixi doonto maamul dusha lagaga keeno oo ay wataan shakhsiyaad faro ku tiris ah.

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

 

Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS