Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga New UCID Oo Maayerka Borama Ku Tilmaamay Mid Raba Inuu Qabto Shaqadii Badhasaabka Isagoo Tiisii Dayacan Tahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga New UCID Oo Maayerka Borama Ku Tilmaamay Mid Raba Inuu Qabto Shaqadii Badhasaabka Isagoo Tiisii Dayacan Tahay.
October 20, 2013 - Written by editor

Maalmahani danbe waxa magaalada Borama ka jirta amaaan daro ay sababeen dhalinyaro koox koox ah kuwaasi oo ku dagaalamaya suuqyada isla markaasina boobaya meheradaha sidaasi darteed

Borama(WJN)Shir jaraaid oo uu qabtay siyaasi Cumar Daahir Cilmi oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ee UCID waxa uu kaga hadlay arimo dhawr ah isaga oo ugu horayn  ku eedeeyey xukuumada madaxwayne Siilaanyo in ay dhegaha ka furaysatay tabashooyinkii dadwaynaha kasoojeeda gobolada Awdal iyo Salal  isaga oo tilmaamay in xukuumadu ay xaalado colaadeed ka abuurtay deegaanada Awdal iyo Salal tan iyo wixii ka dan beeyey doorashadii golayaasha deegaanka ah ee ka dhacday dalka isaga oo kahadlaya arimahaasi.

Isaga ooka hadlaya arintan waxa uu siyaasi Cumar yidhi .”Jamuuriyada Somaliland waa qaran dhisan kaasi oo muwaadiniintiisu ay u wada siman yihiin xuquuqdooda aas aasiga ah, sidaasi darteedna qarankani ma noqon karo mid koox u af duuban , sida aanu lawada soconana guud ahaan dalka waxa ka jira tabashooyin badan oo ay shacabku ka qabaan  xukuumada maanta taladu ay gacanta ugu jirto , gaar ahaana dadka ku dhaqan gobolada Awdal Iyo Salal in badan ayay tabashooyinkooda ka hadleen balse xukuumadu dheg uma aysan dhigin in ay ka jawaabto ama ay waxaka qabato. Hadaba tabashooyinkaasi waa kuwo aan sinaba loo dabooli karin haday tahay dhinaca adoow qaybsiga dalka, mashaariicda horumarinta , dhinaca dimuqraadiyada waxa aan ognahay dhibaatooyinkii ka dhashay doorashooyinkii deegaanka , ee Saylac iyo Lughaya, oo ilaa maanta ay ka jiraan xaalado colaadeed iyo deegaamayn cusub oo beelaysan keenina karta  dagaal sokeeye.”

Dhinaca kale siyaasi Cumar Daahir Cilmi waxa uu si wayn uga hadlay rabshado amni daro sababay oo maalmihii u dan beeyey ay dhalinyarada reer Borama ka wadeen gudaha magaalada mar uu arintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi.” Maalmahani danbe waxa magaalada Borama ka jirta amaaan daro ay sababeen dhalinyaro koox koox ah kuwaasi oo ku dagaalamaya suuqyada isla markaasina boobaya meheradaha  sidaasi darteed waxan dadwaynaha ugu baaqayaa in ay amaankooda ilaashadaan maadaama aysan jirin  xukuumada aan ka sugno in ay waxa ka qabato ee inoo ilaaliya amaaankeena waayo xukuumadani waxay ku guuldaraysatay in ay waxkaqabato oo ay dhalinyaradan jihayso una samayso goobo ay ku ciyaaraan iyo shaqo abuur”

Ugu dambeyntii, Siyaasi Cumar Daahir Cilmi waxa uu ku eedeeyey Maayerka Boorama In uu hawlo aan shaqadiisa ahayn uu ku daalay.” Maayer ka waxa aan leehay fadhiidnimo ka hoosaysaa majirto in aad ku fashilanto xalinta rabshadaha dhalinta iyo kashaqaynta bilicda magaalada halka ay siyaasada xukuumadeed oo badhasaabku ku lug leeyahay Inay ka hadasho arimaha siyaasadeed ee ka baxsan xayndaabka degmadaada, waxanan ku leeyahay gudoomiye awood uma lihid in aad dad muwaadiniin ah oo miisaan ku leh dalkan aad tiraahdo Borama ma soo galikaraan hawshaasina ma aha taadii ee adiga garo in laguu doortay in aad qashinka magaalada ka hagaajiso.”  ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa .

COMMENTS
LINKS