Shuruudo,Go’aamo iyo tallooyin uu Golaha Barlamaanka Somaliland ku ladhay Miisaaniyadda 2014-ka,fasax dheerna galay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shuruudo,Go’aamo iyo tallooyin uu Golaha Barlamaanka Somaliland ku ladhay Miisaaniyadda 2014-ka,fasax dheerna galay.
October 13, 2013 - Written by editor

Shuruudo,Go’aamo iyo tallooyin uu Golaha Barlamaanka Somaliland ku ladhay Miisaaniyadda 2014-ka oo uu ansixiyey,fasax dheerna galay.

golaha

 

Hargeisa-(Wajaale-news)-Golaha Barlamaanka Somaliland ayaa manta ansixinta miisaniyada 2013ka ku lifaaqey go’aamo iyo Tallooyin ,wuxuna goluhu ansixiyey miisaniyada, wuxuuna galay fasax dheer.

Go’aamada iyo talooyinka Goluhu ku lifaaqey miisaniyada ayaa u dhignaa sidatan:-

Go,aamo

 

1. In hey,adaha ku jira miisaaniyadda Dawladda Dhexe ee 2014 ee  aan Golaha

 

Wakiilada loo soo gudbin xeerarkii lagu aasaasay loogu soo gudbiyo Golaha  sagaashan (90) cisho gudahood,  Hey.adda aan lagu soo soo gudbin xeerkeedana la hakiyo sii deynta miisaaniyadeeda ilaa inta Golaha loo soo gudbinayo .

 

2. in miisaaniyadda laga saaro hey,adaha sharciyadooda ama muddo xileedkoodu dhamaaday sida Gudidda diiwaangaelinta ururada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

 

3. In laga bilaabo odoroska miisaaniyadda 2015 la goboleeyo miisaniyadda dawladda dhexe.

 

4. in qaybta loogu talo galay mashaariicda horumarinta 2%  gobolada bari iyaga oo mashaariicysan ka muuaqato misaaniyadda qaranka laga bilaabo 2015.

 

5.  In lacagta loogu talo galay horumarinta wadooyinka la mashruuceeyo laguna muujiyo jaantus muujinayo lacagta wadooyinyka kala duwan looga  qoondeeyey

 

6. Inuu Golaha uu hor yimaado Wasiirka Wasaaradda Maaliydu si sharaxaad dheeraad uu Golaha uga siiyo  baahida keentay abuurista Khasnadda Guud ee Qaranka  uguna iftiimiyo madax xigayaasha khasnadda Guud ee  Qaranka

 

7. Inuu  Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranku   Golaha Wakiilada hor yimado si uu  sharaxaad dheeraad ah uga siiyo dakhliga deeqa caalamiga ( UK, Denmark) iyo mashaariicda laga maalgelinayo sanad miisaaniyadeedka 2014 taas oo dhan $ 13,500,000,=  ( saddex iyo toban milyan shan boqol kun dollar keliya)

 

8. In la ansixiyo siyaasadda misaaniyadda qaranka iyo odoroska miisaaniyadda qaranka ee 2014 oo dhan Somaliland Shillings 1.267.033.716.000,= ( hal triliyan laba boqol lix iyo todoba bilyan, saddex iyo soddon milyan iyo todoba boqol lix iyo toban kun Somaliland Shilin).

 

Talooyin

 

Waxa kale oo iyana miisaaniyadda lagu ansixin doonaa talo soo jeedimahan oo ka soo baxay dooda mudanyaasha

 

1.  in siyaasadda miisaaniyadda qaranka ee 2015 mudnaan la siiyo wasaadaha  wax soo saarka sida xoolaha, beeraha , kalluumeysiga iyo deegaanka lana kordhiyo miisaaniyadooda.

 

2. iyada oo la eegayo heerka sicir bararka ee ka jira Somaliland in loo kordhiyo ciidamada qaranka iyo shaqaalaha 40% musharkooda sanad miisaaniyadeedka 2015.

 

3. in dib u eegis lagu sameeyo miisaaniyadda wasaaradaha Maaliyadda, Madaxtooyada, wasaaradda warfaafinta, TV ga Qaranka, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada  iyo Khasnadda Guud ee Qaranka.

 

4. In dhamaan hey.adaha madax banaan ay mid kasta muujiso waxay ku soo kordhiso misaaniyadda qaranka  si ay muuqato inay  qarankan wax tar u leedahay oo aanay noqon misaaniyadahoodu dhakhli iyo kharaj isku sar go,an oo keliya

 

Geesta kale Maanta waxa dhamaaday kal fadhigii caadiga ahaa ee Golaha Wakiilada JSL waxaan uu goluhu galay fasax sideed usbuuc ah oo ka bilaabmi doona berri oo taariikhdu tahay 14.10.2013

 

 

WAJAALE NEWS DESK

 

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS