Shirkada Al-jaabiri Oo Todabadii Casho Ee u Dambeeyay Gacmaha ka Laabatay Iibsigii Xoolaha Ee Saylada Burco Maxaa Sababay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Al-jaabiri Oo Todabadii Casho Ee u Dambeeyay Gacmaha ka Laabatay Iibsigii Xoolaha Ee Saylada Burco Maxaa Sababay
October 10, 2013 - Written by editor

Mr Bulaale Waxay shcabka reermiyiga ahi ka cabanayaan xoolahan tirada badan e laga keenay dalka itoobiya in ay sababeen in xoolihiin rermiyigu keenay laga iibasan waayo sayladaha Burco iyo hargaysaba,?

Saylada Xoolaha Nool lagu kala iibsado e Magaalada Burco  o todobadii casho e u danbeeyay  o aan dilaaliinta shirkada aljaabiri waxba ka iibsan,maxaa sababay, waxanu waraysi khaasa ka qaadnay Wakiilka guud e shirkada aljabiri e Somaliland iyo Somaliya, Cabdilqaadir  Maxamuud  Bulaale, Waxaanu u dhcay  sidan

Mr Bulaale maxaa sababay in aydun  gacmaha

ka laabataan xoolo iibsigii saylada Burco?

Horta ma jiraan Gacmo aanu kala laabanay xoolo iibsigii saylada burco ,laakiin waxyaabo badan o isbiiirsaday ayaa jira o ay kamid tahay miisaanka xoolaha o isdhibay ,dhiiga o ku yar xoolahan mudadan danbe saylada la keenayay,iyo saamayn ay ku yeesheen roobabaka o ku yaraa jiidii xoolaha looga keeeni jiray saylada burco,  waxa kale o u yidhi Wakiil Bulaale  Xooolihii ugu badnaa sanadkan waxaanu ka iibsabnay magaalada Hargaysa o galbeedka o Roobku ku badnaa ayaa sababay in xoolo wacan aanu ka helno saylada magaalada hargaysa,

mr Bulaale waxa la sheegayaa markii aad dhamaystirteen xoolihii word banku idinka doonayay in aydun suuqa ka fadhiisateen si xooluhu idiinku jabaan,?

maya anaga taasi mid naga suurta gasha maaha waayo saaka o u danbaysay waxa aan ku jiray saylada burco ,isla shalyna waxa aan ka iibsanay xoolo ilaa sadaex boqol gaadhaya,Qiimaha xooluhuna waxba hoos umuu dhicinn  laakii saylada hargaysa ayaa laga yaabaa in haldoolar u hoos u dhacay ,waxaana qiimaha saaka u marayay ilaa sadex iyo sideetan ilaa shan iyo sideetann doolar neefka wanaagsani,

Mr Bulaale Waxay shcabka reermiyiga ahi ka cabanayaan xoolahan tirada badan e laga keenay dalka itoobiya  in ay sababeen in  xoolihiin rermiyigu keenay laga iibasan waayo sayladaha Burco iyo hargaysaba,?

Maya majirto Xoolo itoobiya laga keeenay o aanu ibbsanay ,waayo anaga shirkadayada Aljaabiri Wakiilokuma laha itoobiya xoolaha noo soo iibiya,laakiin waxa dhacda saylada hargaysa wixii naga anfaca xoolaha jooga waanu ka iibsanaa ,

 

Mr Bulaale o ah wakiilka Guud e shirkada aljaabiri e geeska Afrika  ayaa  waxa kale o aanun waydiinay adhiga dabada dheer  e dalka Itoobiya iyo eleteriya caanka ku yihiin sabata keentay in ay kun daraan xoolaha ay  u rarrayaan mooshinka xashka ?

Waxaanu kaga Jawaabay si kulul Horaan kuugu sheegay  Anagau nshirkad ahaan Wakiilo kuma lihin xoolaha nooga soo iibiya dalka itoobiya, Xoolahan aad sheegaysana dad reer guraa ah o reer somaliland ah ayaa Dega xadadka wadamadaa sida Ciisaha  iyo samoroonta o xoolaha dabada dheer leh qaarkood dhaqdaan , markaa xaq ayay u leeyihiin in wax laga iibsado ,anaga shirkad ahaana wixii Xoolo ah e sayladaha waawayn  la keeno e naga anfaca waanu ibsanaa,

sanadkan ayaa la filayaa in uu noqdo sanadkii xoolaha ugu badani u dhoofaan sucuudiga mooshinka xashka , iyadoo sida uu sheegayb wakiilka Guud e shirkada aljaabiri mr cabdil qaadir maxamuud bulaale Islamic bank ku qandaraas ahaan ay ugu dhoofinayaan milyan iyo lixboqol o kun o neef o adhi ah,

dabcana waxa u xusay in xoolo kabadn intaa ay rari doonaan o ku dhaw laba milyan iyo badh hadii waqtigu u saamaxo.

 

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS