Shirkad wiilka Madaxweyne Siilanyo soddoga u yahay ka dhex muuqdo oo la filaayo in lagu wareejiyo Maamulka iyo Adeegyada dekeda Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkad wiilka Madaxweyne Siilanyo soddoga u yahay ka dhex muuqdo oo la filaayo in lagu wareejiyo Maamulka iyo Adeegyada dekeda Berbera
October 20, 2013 - Written by editor

Shirkad wiilka Madaxweyne Siilanyo soddoga u yahay ka dhex muuqdo oo la filaayo in lagu wareejiyo Maamulka iyo Adeegyada dekeda Berbera

bollore

Hargeisa-(Wajaale-news)-Xoggo maalmahanba ka soo burqanaaya Qasriga Madaxtooyada ayaa tibaaxaaya in shirkad la yidhaahdo magaceeda Bollore oo xilligii Daahir Rayaale Kaahin talada dalka hayey ku guuldaraysatey inay maalgeliso, ku darsoo la wareegto maamulka yo adeegyada dekeda Berbera ayaa hadda uun Xukumada Siilanyo aqbashey inay heshiis hoose la gasho sida xoggahaasi u badan yihiin.

Shirkadan Bollore oo uu gudoomiye ka yahay ganacsadaha iyo maalgeliyaha weyn ee Vincent Bollore oo laga leeyahay dalka Faransiiska, xidhiidhona ku leh dalka Djabouti ayaa xukumadii Rayaale ka diiday inay wax heshiisa la gasho markii shuruurdihii looga baahnaa ay buuxin waayeen, hase yeeshee xukumada siilanyo oo iyadu lacag uun raadisa ayaa aqbashey dalabkii uu Rayaale ka diiday,waxaana xogguhu intaas ku darayaan in Bollore saamiyo qarsoodiya u balanqaadey Ash-khaas ku xidhan Qasriga Madaxtooyada oo wadata magacyo shirkado bug ah oo badhkood golaha xukumada Siilanyo ku jiraan amaba gacansaar la leeyihiin.

Geesta kale sida xogguhu muujinayaan Ash-khaasta horboodaysa shirkada Bollore waxaa ka dhex muuqda wiilka madaxweyne Siilanyo sodogga u yahay ee Baashe Cawil X.Cumar (Baashe Morgan) oo isagu la socday door hore oo ay saraakiil ka tirsan Shirkada Bollore yimaadeen Somaliland balse la sheegay inuu doorkan halkiisii buuxiyey wasiirka arimaha debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo  saraakiil ka socday shirkadan oo mudo ku sugnaa Somaliland hawl fududeeye (Facilitator) u ahaa.

Shirkada Bollore ayaa xoguhu sheegeen inay aad u danaynayso, uguna heelan tahay sidii ay u maalgelin lahayd,ulana wareegi lahayd dekeda Berbera maamulkeeda,qalabayn iyo dibu-casriyeyna ugu sameyn lahayd.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFCIE

COMMENTS
LINKS