|
|||||
WAJAALE NEWS
Shir looga hadlayo shidaal laga baarayo Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada London ee xarunta Britain
October 7, 2013 - Written by Wariye:Landon(Wajaale News)-Shir looga hadlayo shidaal laga baarayo Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada London ee xarunta Britain waxaana shirkaas ka qaybgalay wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed iyo mas?uuliyiin ka socda shirkadaha shidaalka baara iyo shirkad laga leeyahay dalka Britain oo Soomaaliya ka baaraysa shidaalka. Qodobbada shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah shidaalka Somalia laga heli karo, iyadoo wasiirka khayraadka Soomaaliya uu sheegay inay ka jirto Soomaaliya fursad weyn oo shidaal looga saari karo. Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda ka jirto nabad la isku haleyn karo loogana baari karo shidaal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in laga soo saari karo shidaalka, taasoo uu sheegay inay fursad weyn u tahay dib u Ujeeddada shirkan ayaa waxaa lagu sheegay sidii loogu soo bandhig lahaa shirkadaha shidaalka qoda shidaalka laga heli karo Soomaaliya iyagoo laga baari doono shidaalka badda iyo barriga Soomaaliya. Golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore isla meel dhigay in Soomaaliya laga baaro shidaal, ayna shidaalkaas baari doonto shirkad laga leeyahay dalka Britain oo lagu magacaabo Soma Oil & Gas, taasoo heshiis lagu baarayo shidaalka la saxiixay dowladda Soomaaliya. Madaxa shirkadda Soma Oil & Gas, Robert Sheppard ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in Soomaaliya laga helo karo shidaal iyo gaas fara badan, wuxuuna sheegay inay baaritaanka ka sameyn doonaan goobaha ay ka taliso dowladda federaalka. Howshan lagu baarayo shidaalka Soomaaliya ayaa waxay noqon doontaa fursad weyn oo qayb ka qaadata dib u soo kabashada Soomaaliya oo ay ka jireen colaado sannado fara badan. . Related posts:DAAWO;Siyaasi Aadan Wali Oo Naqdiyey Socdaalkii Madaxweynaha somaliland "Reer Gabiley waxay Ka Cabay... DAAWO;-Waxgaradka Iyo Siyaasiyiinta Beesha Uu Kasoo Jeedo Wasiirka Gaashandhiga Jsl Oo Xaal Ka Bixiy... Daawo: Madaxwayne Ku-xigeenkii Hore Somaliland Oo Farriin Culus U Diray Murrashaxiinta Xisbiyada COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|