Shir-doceed Hogaanka Kulmiye ku lahaa Guriga madaxweyne ku xigeenka Saylaci oo guuldaraystay +wuxuu daaranaa shirku+Qodobada laysku mari waayey ee lagu kala kacay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shir-doceed Hogaanka Kulmiye ku lahaa Guriga madaxweyne ku xigeenka Saylaci oo guuldaraystay +wuxuu daaranaa shirku+Qodobada laysku mari waayey ee lagu kala kacay.
October 21, 2013 - Written by editor

Shir-doceed Hogaanka Kulmiye ku lahaa Guriga madaxweyne ku xigeenka Saylaci oo guuldaraystay +wuxuu daaranaa shirku+Qodobada laysku mari waayey ee lagu kala kacay.

Hargeisa-(Wajaale-news)-Kulan ay maanta duhurkii ilaa qorax-dhacii fooda isku dareen Hogaanka xisbiga Kulmiye iyo Guddiga Fulinta ee xisbiga ayaa ku qabsoomay Guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylaci oo isagu kulanka gudoominaayey isagoo wakiil ka ah Madaxweyne Siilanyo.

Kulankan oo la sheegay in ujeedada ama qasdigiisu ahaa sidii laysula naaqishi lahaa,loona ansixin lahaa gudiga qabanqaabada shirweynaha Kulmiye ee Hogaanka xisbigu soo xuleen ayaa dood adagi ka hor timi ka dib markii xubno doora oo ka mid ah Gudiga fulintu ka biyo diideen Liiska gudiga qabanqaabada  shirweynaha iyo weliba xubno Cusub oo lagu soo daray gudiga fulinta xisbiga ka dib markii boosas banaanadeen.

Hogaanka xisbiga oo uu budhtuur u yahay Muuse Biixi ayaa ku dooday in qaanuunka ama xeerarka xisbigu awood u siinayaan magacaabida iyo soo buuxinta xubnaha ka banaanadey gudiga fulinta iyo magacaabida gudiga qabanqaabada shirweynaha xisbiga,Ha yeeshee xubno ka tirsan gudiga fulinta iyo Xubin ka mid ah hogaanka Xisbiga laftiisa oo ka rayi duwaanadey saaxiibadii iyo qorshihii ay ku wada socdeen ayaa arintaa si weyn uga biyo diiday waxay doonaanba ha uga jeedaane.

Yeelkeede Qolyahan diiday ama ka soo horjeestay xubnaha ay Hogaanka Xisbigu ku soo biiriyeen gudiga fulinta ayaan madasha la iman doodo qodobaysan iyo sababahay ku diideen xubana cusub ee gudiga fulinta lagu soo daray aan ka ahayn hebel xisbga kuma jirin iyo golaha dhexe ma ahaan jirin,wuxuu hoonku kaga dhegay keliya diidnay,yeelimayno iyo hogaanku xaq uma laha inuu hebel iyo hebel soo magacaabo ,waxayna qaarkood ku doodeen in jinaaxoodana qaar loogu daro fulinta hadii kalena aanay waxba ansixinayn.

Isku soo wada duuboo kulankaas maanta Madaxweyne ku xigeenku gudoominaayey waa laysku mari waayey,wax natiijo ah oo la sheegaana kama soo bixin,hadaan si kale u dhignana waa lagu kala kacay balse waxaa xoggaha qaar tibaaxeen in dib loogu riixay in dooda iyo muranku halkaas ka sii socdo maalmaha soo socda.

Ku darsoo xoggo kalena waxay sheegayaan in kulankan maanta markii hore qolyaha hogaanka xisbiga ka mabda iyo fikirka duwan ama ka soo horjeedaa ugu talo galeen in lagu kala kaco oo la sugaan ama ku simaan dooda wasiirka Maaliyada Cabdicasiis samaale oo Jinaaxooda u budhtuur ah,haatana dalka ka maqan.

Geesta kalana madaxweyne Siilanyo ayaa isna gacmo dhaadheer kula dhexjira muranadaas iyo mudacyo isku fiiqa ka dhex oogan Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo qolyaha ka soo horjeeda,waxaana tibaaxuhu sheegayaan in Madaxweynaha iyo wasiirkiisa madaxtooyadu daaha dabadiisa ka hagayaan kooxda ka soo horjeeda qorshaha ay la gole yimaadeen hogaanka xisbiga. Tu kalena madaxweyne siilanyo ayaa sida xogguhu sheegayaan doonaya in arintu sii cakiranto oo jiq laysku noqdo oo isaga arinta dib loogula soo noqdo oo uu marjac u noqdo si cidii uu doono ugu darsado.

 

 

WAJAALE NEWS DISK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US: Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS