Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Dalka Laos Oo Dhamaan Rakaabkii Ku Geeriyooden Daawo Video | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Dalka Laos Oo Dhamaan Rakaabkii Ku Geeriyooden Daawo Video
October 18, 2013 - Written by Wariye:

Vientiane, (Wajaale News):- Ugu yaraan 49-Qof oo ahaa rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaarad laga leeyahay dalka Laos ee koonfurta bari Eeshiya ayaa dhamaantood, la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen shil haleelay diyaaradaas oo ka dhacay wabiga ugu wayn dalkaas, waxaana shilkaas diyaaradeed dadka ku dhintay badankoodu ahaayeen ajaanib dalkaas dalxiis u tagay.
Kooxaha Gurmadka Ee dalka Laos ayaa ka rejo dhigay in nolal lagu helo, ugu  yaraan hal qof oo ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaarad, shirkada diyaaradah ee Laos Airline lahayd oo ku burburtay wabiga Mekong ee dalkaas, taas oo dhamaan rakaabkii saarnaa ku wada geeriyoodeen.
Diyaaradan ayaa ka soo kacday caasimadda dalkaas ee Vientiane waxaanay doonaysay in ay fadhiisato madaar ku yaala magaalada, Pakse ka hor intaanay burburin ee aanay wabiga afka darin, dadka rakaabka ah oo shan iyo afartan tiradoodu ahayd iyo shan qof oo shaqaalihii diyaaradaas ah ayaan qofna ka badbaadin, sida la xaqiijiyay, waxaanay rakaabku ka koobnaayeen ugu yaraan toban waddan oo caalamka ah, kuwaas oo u badnaa dalalka Austaralia, Chine, South Korea iyo Farance, sida la cadeeyay

http://youtu.be/M-LEFQc6E9s

Wajaale News
Hargaysa Office
Info wajalenews@gmail.com
Repoter Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS