Ryan Giggs Oo Haddii Uu Safto Kulanka Caawa Dhigi Doona Rikoor Cusub Oo Champions League Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ryan Giggs Oo Haddii Uu Safto Kulanka Caawa Dhigi Doona Rikoor Cusub Oo Champions League Ah.
October 2, 2013 - Written by Wariye:

Ryan Giggs Oo Haddii Uu Safto Kulanka Caawa Dhigi Doona Rikoor Cusub Oo Champions League Ah.

Ryan Giggs

 

Ryan Giggs ayaa caawa hadii uu safto kulanka ay kooxdiisa ka hortageyso Shakhtar Donetski waxa uu jabi doonaa rikoorkii uu hore u dhigay halyeeyga Real Madrid Raul ee ciyaaryahanka ugu safashada badan tartanka Champions League. 39 jirkaan reer Wales oo hore u barbareeyay rikoorka Raul ayaa waxa ay wada safteen 144 kulan oo Champions League ah oo ay ku jirto kulamada isreebreebka koobkaan. Waxaana haddii uu caawo safto ay ka dhigeysaa in Giggs uu saftay kulankiisii 145aad ee Champions League taasoo noqoneysa rikoor cusub, islamarkaana ka dhigeysa Giggs ciyaaryahanka abid ugu safashada badan tartanka Champions League. Giggs, oo qaaday 13 koob oo Premier League ah iyo labo Champions League intii uu ka soo hoos ciyaarayay Sir Alex Ferguson ayaa haatan sidoo kale qeyb ka ah shaqaalaha tababarka David Moyes, laakiin weli waxa uu ciyaaryahan ka sii yahay kooxda. “Xaqiiqdii? Wow. Ma aanan ogeyn taas” ayay aheyd jawaabtii uu bixiyay Giggs markii wareysi ay la yeelatay website-ka kooxdiisa loogu sheegay inuu rikoor cusub dhigi karo caawa. “Waa tartan weyn, nasiib ayaana u lahaa inaan labo jeer ku guuleysto, islamarkaana aan ciyaaro kulamo badan oo xusuus leh.
“Waxaa jiray ciyaartoy badan oo waa weyn oo koobkaan ka dhex muuqday, Raul isna waa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd. Waxa uu leeyahay rikoor gooldhalin oo cajiib ah, waxaana uu koobkaan ku guuleystay seddex jeer. “Haddii aan dhaafo isaga waxa ay ii noqon doontaa sharaf weyn” ayuu yiri Giggs. Dhanka safashada Champions League Raul iyo Giggs waxaa haatan ku xiga halyeeygii AC Milan Paolo Maldini oo saftay 140 kulan iyo xiddiga Barcelona Xavi Hernandez oo weli ciyaaraya kaasoo isna saftay 139 kulan.

Wajaale News
Hargaysa Office
wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS