Raysal Wasaaraha Soomaliya Oo Shaaciyay Isku-Shaandhayn Lagu Samaynayo Xukuumadiisa Kana Hadlay Weerarkii Ay Ciidamadda Maraykanku Ku Qaadeen Magaalada Baraawe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaaraha Soomaliya Oo Shaaciyay Isku-Shaandhayn Lagu Samaynayo Xukuumadiisa Kana Hadlay Weerarkii Ay Ciidamadda Maraykanku Ku Qaadeen Magaalada Baraawe.
October 7, 2013 - Written by Wariye:

Kampala-(Wajaale News)- Maanta oo ay taariikhdu ku beegnayd sanad guuradii koowad ee ka soo wareegtay markii xilka loo magacaabay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Abdi Farah Shirdon (Saacid), ayuu ku dhawaaqay in isku shaadhayn lagu samayn doono golaha xukuumadda Soomaliya isaga oo ku sababeeyay in looga dan leeyahay waxa uu ugu yeedhay der-der-gelinta iyo balaadhinta hay?addaha dawladda, sidaana
waxa uu ku sheegay shir jaraaid oo uu qabtay muqdisho.

Raysal Wasaare (Saacid), shirkiisan jaraa?id kumuu carabaabin xilliga rasmiga ah ee ay dhacayso isku shaandhayntani iyo tirada ay noqonayso xukuumadda cusub ee isku shaandhayntan lagu soo dhisi doono, balse waxa uu xusay waa sida uu hadalka u yidhiye in ay xal iyo lagama maarmaan noqotay in isbadal lagu sameeyo golaha xukuumadda Soomaliya lana balaadhiyo.

Dhinaca kale, Raysal Wasaare Saacid, oo ka jawaabayay su?aal laga waydiiyay weerarkii ay ciidamada Maraykanku ku qaadeen magaalada Baraawe, ayaa sheegay in ay si aad ah u soo dhawaynayaan weerarkaa Maraykanka iyo weliba cid kasta oo gacan ka siinaysa dagaalka xarakada Al Shabaab, balse muu tibaaxin in dawlada Somaliya ay ka warqabtay weerarkan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanku ay ku qaadeen magaalada Baraawe ee koonfurta Soomaliya.
Si kastaba ha ahaatee, waxa si weyn la isu waydiinayaa waxa ay isku shaandhayntani ka badali doonto xaaladaha adadag ee ku gedaaman dawladda Soomaaliya.
Wajaale News
Hargeysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com
Repoter: Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS