|
|||||
WAJAALE NEWS
Qormo Boobe Yuusuf Ducaale Kaga Hadlayo Xaaladda Kulmiye iyo Xiiso-tirka Xisbinnimada.
October 30, 2013 - Written by Wariye:La ye Guddi Qabanqaabo ayaa la magacaabay. Waxay intaa ku dareen waa 18 oo waxa soo magacaabay Guddoomiyaha Xisbiga. Mar waa Guddoomiye ayay yidhaahdaan, marna Shirrigi saarraaye, In dhawayd sambiil lala ma gelin, meel sariibad ahe, Eyguna siniintii ka waa, suuqi hilib-laaye, Bisadaha sidaasaa ka dhab ah, siqaya keymaaye, Cashuuraha siddeed-laabmay waa, saaca waayaha e, Bankiyada dul-saarkii kolkuu, saqafka soo taabtay, Sarrif eegga kuma kaydsadaan, saalax-waatuhuye, Kolkii jeeggi socon waayey bay, god u samaysteene, Safrad iyo shaqaalii wataa, suuqday gaajaduye, Waxa yarey saxeexaanna waa, saymo-lagu-reebye, Sacab iyo af kama soo hadhaan, silicay qaataane, Xasanoow Allaa Saatiree, dhimay saboolkiiye, Maansadii, Saxansaxo (17/10/87kii) ee Gaarriye, Jiidihii hore ee dagaalkii Dibuxoreynta Qaran. Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale , cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com La ye Xisbigii Kulmiye ayaa is-abaabulaya. Oo goorma ayaa inoogu dambeysay, Araggiisa waxa inoogu dambeysay 2010kii berigii ay dadweynaha beenta iyo belaayada ka siisteen codadkoodii. Beryihii Barnaamaj-baaskii. Beryihii ay subagga marada inoo geliyeen ee ay wixiiba fuuqsadeen. Wax ay innaga ina taraan iska daaye, iyagii ayaa kala hororsaday wixii yaraa ee aynu eeganaynay. Intooda badani dhaxantiiba kama soo hoyan. Sidii ayay daleed cidla, ah u wadhan yihiin. Duul aynaan garanayn ayaa dhaxalkii ummadeed u hadhay. Intii laga hororsadayna waxa lagu seexiyaa sidii sebiga: Xisbal Xaakinka,Xisbiga talada haya. Iyaguna garan waaye in ay yidhaahdaan Xisbigee dee! Intaas ayaaba ku fillaatay iyo in ay safafka hore xafladaha ka joogsadaan, haddii loo oggolaadba. Inta xukunka haysaa intii inoo ballan-qaadday ma aha. Haa,Waa run. Inta talada haysaa ma aha Xisbigii Kulmiye ee dadweynaha ballan-qaadka u sameeyay. Waa dar meel baas iyo reero muskood laga keenay. Malaha dadku waxay eeganayaan Madaxweynaha. Laakiin qudhiisu waa kii taladii iyo hoggaamintii Xisbiga ka xuub-siibtay ee Guddoomiye Muuse Biixi inagu reebay. Iyagana aqalkii yaraa ee dalcadda saarnaa ayaa lagaga soo guuray. Ma immika ayaa la is-leeyahay Xisbigii naf geliya oo neef ku afuufa si mar kale la inoogu dagoMiyaan hore loo odhan: Mar I dage, Alle ha dago, laba goor-i-dage se anigaa dagan. Haddii aynu Xisbi u naqaanno Xisbi, iyagu xaafad, qolo, reer iyo wax baas oo lagu ba,ay ayay u yaqannaan. Xaggooda Xisbigu macno caynkaas ah ma laha. Waa sallaan lagu fuulo Madaxtooyada oo keliya, marka derbigaa dheer lagu fuulana waa la ridaa oo la iska tiiriyaa. Bal tu kalena aan idiin sawiro, saad u garataan.Waa murtidii aynu ka dhaxallay Qaryaan Macallin Dhoodaan, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e. Hangoolka miyaad ka habaabaysaan. Intan ina wareerisay Xisbiyadu waxay u yihiin Hangoolkan maalin oo dhan lagu adeegto, habeenkiina muska iyo dhaxamaha lagaga hoydo. Kama xishoodaan e, sidaas ayay Xisbiga u yaqaannaan. Waa wax soo taxnaan jiray oo ka buuxa taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Intaa kale lama arko, maalinta ay doorasho soo dhawaato ayaa la maqlaa. Ha moodina wax cusub. Waa xaajo duug ah oo abid soo taxnayd. Dadka ayaan il-baxayn oo hadba koone lagaga soo wareegayaa. La ye Guddi Qabanqaabo ayaa la magacaabay. Waxay intaa ku dareen waa 18 oo waxa soo magacaabay Guddoomiyaha Xisbiga. Mar waa Guddoomiye ayay yidhaahdaan, marna Shirweyne laguma dooran oo waa Ku-sime ayay yidhaahdaan. Mar dambe ayaad waxaad maqalaysaa waa la isku qabsaday oo 8 xubnood oo kale ayaa lagu daray. Markanna waa 27. Oo maxaa lagu soo xulay, Maxaa loo cuskaday, Maxaa loo tix-raacay, Waxyaabahaa aynu innagu ka fekerayno, cidi wax kama soo qaaddo. Xisbiga dad kama tirsana oo magacyo u diiwaan-gashani ma jiraan. Qolooyin ayaa hadba intii la doono la mala-awaalaa in ay Xisbiga ka tirsan yihiin. Xaalku waa Qolooyin ama ha u codeeyeen ama yaanay u codayn e, murtidu waa qolo. Haddii ay wax soo raacaan waa qofaf loo muraad-qumminayo. Xaalku waa sidii caddo-loolkii carruurta iyo ii ,cug.? Wixii raacaaba waa , cirka. Maxaa intaa ku xiga Waa qolooyinkii. Laba Reer Qadhoon ah,..laba Reer Qadoodi ah,.Laba Reer Qudhac ah..Laba Reer Qowdhan ah,..Laba Reer Qummane ah,..Laba Reer Qaldane ah,.Laba Reer Quwaax ah,. Nus Reer Qablan ah,.Nus Reer Qowrax ah iyo waxaan sakaaro ka biirsan oo la soo eeday oo la soo dagaalay. Waa wax soo jiray oo in badan soo taxnaa. Wixii soo raacaaba waa: Qabax, Qardhac iyo qaad horeba loo eeday. La ye geed ma ii qaadaysaa? Iyo qedada ka horreysa? Waa hanka halkaa ku dabran. Waa dadkii Timacaddeba ka quustay ee uu lahaa: ?Irsiqiinnii waa taad nadalo, ka oggolaateen e, Aadmiga xoroobaa wasiir, uma ilmeeyaan, Bal tu kalena aan idiin sawiro, saad u garataan. Tu kalena aan ku daro oo aan soo qaato dalka labaad ee ugu tirada badan adduunka oo ah dalka Hindiya. Dadka ku nooli waa: 1,237 bilyan. Xubnaha Xisbiga ?Congress-ku? waa 15 malyuun oo xubnood. Ergooyinka Shirweynuhuna waa 3,000 oo xubnood. Bal ergooyinkan 801-da ah qaybiya. Isku daya in aad qaybisaan. Bal Hargeysa iyo Maroodi-jeex oo la hafri doono u daaya kala badh oo 400 oo ergo. Shanta Gobol ee kale u qaybi waxa soo hadhay. Ma idin la tahay in midkiiba 80 ergo la siin doono. Waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Qofaf Hargeysa deggen oo jooga ayaa wakiil ka noqon doona Gobollada dalka. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|