|
|||||
WAJAALE NEWS
Qarammada Midoobay Oo ka Digtay Qaraxyo Al-shabaab La Maagantahay Xafiisyadeeda Somalia
October 19, 2013 - Written by Wariye:Muqdisho-(Wajaale News)-Sida lagu qoray Wargeyska Foreign Policy Qaramada Midoobay ayaa waxa ay heshay warbixin ku saabsan weeraro Al-Shabaab markale ay ka geysanayaan xafiisyada Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho. Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo dhanka ammaanka qaabilsan, ayaa sheegay in suuragal ay tahay in Al-Shabaab ay geystaan weeraradaasi. Saraakiil ka tirsan sirdoonka Dowladda Soomaaliya, Amisom iyo Qaramada Midoobay ayaa soo saaray warbixinta ku aadan suurtagalnimada in Al-Shabaab ay geystaan weeraradaasi oo ay la beegsadaan xarumaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Digniinaha ku aadan dhanka ammaanka ah ayaa isa soo taraya, kuwaasi oo laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay weeraro ka geystaan Magaalada Muqdisho iyo dalalka deriska la’ah dalka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa Bishii June ee sanadkaan waxa ay weerar ku qaadeen xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho oo garoonka ku dhaw, halkaasi oo ay ku dileen sideed ruux oo Ajaanib iyo Soomaali isugu jira. Tan iyo markii xoogaga Shabaab ay weerar ka geysteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa soo badanaya digniinaha Dowladaha reer Galbeedka ay bixinayaan ee ku aadan weeraro Al-Shabaab ay la eegtaan xarumo muhiim ah. Qorshaha dagaalka Al-Shabaab ayaa hada umuuqda mid waji cusub isku bedelay, maadaama dagaalka Al-Shabaab uu ahaan jiray mid ay si toos ah ula galaan ciidanka Dowladda iyo kuwa Amisom oo ay yaraan jirtay weerarada ay ku qaadaan xarumah Dowladda iyo Hay’addaha.
Hargaysa Office Wajaale News Info:wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|