Qalinka Xaqiisa Mari (Fardawsa Maax Xasan(Nimco). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qalinka Xaqiisa Mari (Fardawsa Maax Xasan(Nimco).
October 27, 2013 - Written by editor

 

Aynu u tudhano taariikhdeena, waa horaa la yidhi: Waari maysidee war hakaa hadho, warka hadhayaa ha ahaado war lagugu maamuuso ee yuu noqon mid lagugu hiifo………….

Waxaan hada ka hor idinla wadaagay maqaalkii Akhri oo qaadka iyo qolqolka ku badel, waxaa xaqiiq ah in qoraalku ka da’ weyn yahey akhriska maxaa yeelay kolkii wax la qoraa la akhriyaa, sidaa daraadeed waxaan dib u jaleecayaa mafdaaxii akhriska oo ah QORAAKA. Sida aan taariikhda ku helnay waxaa ugu horeeyey dad wax qora dadkii ku dhaqnaan jiray Mesopotamia dadkaas oo ahaa kuwii ilbaxnimodu kasoo bilaabantey ayaa bilaabay in ay wax qoraan si xaga iibka iyo xisaabinta mushtarku ugu dhib yaraato. Waxase xogta xaga diinteenu inoo sheegtey in uu ahaa qofkii u horeeyey ee wax qora nabi Idiris calayhi salaam oo ahaa nabigii kusoo xigay nabi ahaan aabaheen Adam calayhi salaam. Hadaba qoraalku wuu isasoo taraayey tan iyo wakhtigii uu Nabi Idiris noolaa, haba kala duwanaato sida wax loo qoraayee. Wuxuu qoraalku soo maray marxalado kala duwan, waxaana jirtay wakhtigaa aan khad la aqoon ama aan xuruufi jirin in ay dadku sawir adeegsan jiray iyo in dhagax ama dhoobo wax lagu qori jiray, iyada oo laga sameeyey suurad xayawaan ama wa laysla af garto oo u dhigma sida xuruufta. Sikastaba ha ahaatee waxaa ilbaxnimadii aduunku soo gaadhay ilaa aan ka helo xaashi iyo khad wax lagu qoro.

Waxaa is weydiin leh maxaa la qorayaa hadaba?

Wax qorida iyo noloshu waa barbar dhac waxaana ka mihiimsan akhriskaba qoraalka waayo hadaan wax la qorin wax akhris ma yaal meesha, wax laqoro tiro laguma koobi karo ha ahaato fariin gaaban oo qof loo diray ama ha ahaato wax ka hawl iyo maskab weynba ee maalin kasta oo nolosheena ka mida waxbeynu qornaa. Qoraalkaas badhkii waa wax la weeleeyo badhna waa wax ku dhex luma uun nolol maalmeedkeena. Hadaba inta ugu saraysaa waa inta gasha buugg, joornaalka, gabayga ama heesta. waxaa intaa raaca wixii xafiis, iskuul iyo maxkamadi weelayso si loogu laabto kolkii loo baahdo, waxaa kalee raad reebi kara waraaqaha ama fariimaha dadku isku diro oo iyaguna noqon kara wax raadeyn ku reeba qalbiga aadamaha lana kaydin karo. Hadaba qoraalkii wuxuu yeeshay xaq iyo xuquuq in la ilaaliyaa haboontahey. Ninkii gabyey waatuu yidhi ‘’ Wixii qoran baa quruumo hadhee muxuu hadal qaayo leeyahay’’ Inaga oo ka duulayna aaraa’adaa Somaliyeed waxaa xaqiiiq ah in hadalku yahay wax la iloowo ama lays dhaafiyo raad raacna yeelan, balse wixii la qoray uu noqon karo wax waara oo lasii gudbin karo dhaxalna gali kara.

Qoraalka iyo xaqiisa!

Waxaa haboon hadaba hadii aad taheyn qofka wax qoraya in aad shuruudiisa buuxiso; ha ahaado markhaati ama dayn ama dacwed dad loo kala qorayo ama ha ahaado wax aqoon iyo cilmi fidin ku saabsan, habase ahaado wax ka yimid fikirkaaga oo aad dadka la wadaagtee waxaa mihiima ah in suruudihiisa la buuxiyo oon qalinka la maroorin. Ka run sheegida qalinku waa mihiim, waxaana dhici karta in qalinka xaqqa loogu hiiliyo ama lagu dulmiyo cid, sikasta ha ahaatee dambigiisa ama khayraadkiisu waxuu ku noqon doonaa xaqlihii qoray. Waxaynu wada oggnahey Ayada 282 ee u dambeysa Surah al Baqra kana hadleysa daynku in ay ku cadahay in layna faray dadka wax qorayaa in aanay qalinka leexin ama cid ku dulmin oo qoraagu runta sheego, walow ay ka hadlayso deynka iyo kala qorashadiisa; balse waa xukun inoo yaal qofkasta oo wax qoraya. Sidaa darteed waxaa wanaagsan in qofka wax qorayaa is weydiiyo dhawr arimood inta aanu wax qorin.
1- In aad ka fikirto in waxa aad qoraysaa aanu naftaada halaag badin oonu noqon wax aad
Allah swt. kaga fogaaneyso, adigoon cidna ku raali galineyn ha ku dhicin in aad Allah qalinka ku caasido.
2- In aanad cid ama shaqsi ku durayn adigoo cay, aflagaado ama eedeyn aan sal iyo raad laheyn u adeegsanaya qalinka; taasina waxay galaysa dulmi daddban ee ogow.
3- In aad run ku sheegto qalinka oonad ka gaban marka ay tahay in taariikh la qoro ama waxa taagan ee waaqica ahba laga faaloodo.

Xusuusnow in waxa aad qortaa yahey raad aad aduunka kaga tageyso oo ah dhaxal kaa hadhaya, ama daba socon doona magacaaga iyo ka tafiirtaadaba. Waxaa laga yaabaa in xooluhu dhamaadaan mood iyo noolba, dhul hadaad ka tagtana waxaa laga yaabaa in la iibiyo oo uu cid kaleba ku wareego, balse qoraalkaagu wuxuu ahaanayaa wax aad adigu shaqsi ahaan u leedahey oon kaa hadhin magac iyo mulkiba, wuxuu ahaanayaa wax lagugu xasuusto, laguguna maamuuso ama lagugu karahsado. Hadaba haduu qoraalkaagii noqday wax aan shaqsiyadaada ka hadhi doonin nolol iyo geeriba, ka fiirso raadka aad ka tagi doonto oo yaan buuga taariikhda madow lagu galin, isku day sidaad ugu biiri laheyd baalka dahabka ah.

Qalinku kama dhaco qori iyo seef!

Dadku qofba waxbuu ku dagaalamaa ama ku hiiliyaa, waxaa jirta wakhtiyo ay dadka badh ku aarsadaan qalika ama ugu hiiliyaan cid iyagoo ka jawaab celinaya wax la qoray ama cid laga faafiyey, waxaa kale oo jirta in lagu duro cid ama lagu deelqaafo cid kale iyadoo qalinka la adeegsanaayo, af xumadu ma aha hadalka dadban oo kaliya, waxaa kasii xanuun badan ka la qoro een la ilaaweyn soona noqnoqodoona. Marka ka fiirso shiishkaaga halka uu ku beeggan yahay, hana qorin wax aad ka qoomamoon doonto abid.

Dhaliisha in la qoraa waa mihiim

Waxaa suura gal ah in aad wax ka qorto ama u jawaabto cid aan hadalkaagu gaadheyn, waxa kale oo suura gal ah inaad jeclaato inaad fikirkaaga faafiso ama aad doonto inaad muujisa halka aad ka taagen tahey qadiyed jirta. Midka ay doonto ha ahaatee isku day inaanad xaragada ka tagin sharaftana dhawrto; taada iyo ta dadka kaleba. Isku day in aad badasho erayada tooska u abaara shaqsi ama cid, waxaad wax u qori kartaa si anshax ku salaysan oon ahey farta ku fiiqid iyo dhaleecayn, isticmaal erayadan oo kale: Waxay aniga ila tahay…Waxaa haboonaan lahayd hadii… Waxaa u wanaagsan in uu sidaa yeelo/yeesho. Ha isticmaalin ereyada toos u abaara qofka naftiisa, ha shaqsi weerarin ee fikirkiisa ama ficikiisa weerar adigoon marna qofka ugu yeedhi magacyo iyo wax aanad adba jeclaateen in laguugu yeedho. Muuji in waxa aad diidantahey yahey ficilka qofka ee aanu aheyn nafsadiisa, hadaad cid haysato ha weerarin qabiilka uu kasoo jeedo ama dagalka uu ku dhashay ee qofka ku joog, ha sameysan dakano oo eed dushaada ha keenin. Xusuusnow in wakhtigu isbadali karo, wixii kaa baxayna aanad soo celin karin.

Dhalinyarada hada wax qorta badhkood

Waxaan talo ku siin lahaa dadka da’ayarta ah ee yaalaa wax qora in ay in badan xusuusnaadaan in wakhti dheeri ka horeeyo, waxay dhisayaana uu yahey sumcad shaqsiyadeed oo uu isagu(qoraagu) Iska yeelan doono, xumaanteeda lala wadaagi doonin dheefteedun isaga u gaar ahaan doonto. Waxaan in badan websites ka Somalida ku arkaa dad da’yar ah oon aad uga yaabo sida ay cid u weeraraan ama u dhaleeceeyaan, khaasatan siyaasada iyo arimaha ku saabsan. Waxaan jeclahay inaan xasuusiyo in noloshu la kulmin karto sifooyin badan oo ay hadhow ka qoomamoodaan wixii uu qoray bari. Waxaad noqon sawj, aabe, awoow, sodog, abti. Sidoo kale haweenkana la mid. Waxaa kugu soo noqon kara wax aad adigu gacantaada ku qortay oon qoyskaaga munaasib ku noqon doonin, sidaa daraadeed akhii nin yari intuu geed ka booduu talana dhaaftaa ee ka fiirso waxa aad qorayso.

Waxa iyana dhib ka taagantahey dadka websites ka leh ama maamula oo aad mooda in ay raali ka yihiin wax kasta oo la qoro, una haystaan in aan masuuliyadeeda badhkeed iyaga saareyn. Waxaad moodaa in ay ku dadaalayaan uun sidii boggoodu u buuxsami lahaa, laakiin aanay kala shaandheyn waxani horta munaasib ma yahey in la faafiyo iyo in kale! Waxaan iyagana ku guubaabin lahaa waxaa idiin haboon in aad wixii dhib cid u gaysanaya wadar iyo waaxidba aad ka tanaasushaan, haba yaraado warka iyo muuqaalada aad faafineysaan ee ha ahaado wax tayo leh oo laydiinku soo heloobo. Qoraalka dambi mutaystey waa ka simantihiin kii qoray iyo ka faafiyey ee qaarad ilaa qaarad gaadhsiiyey.

Aynu u tudhano taariikhdeena, waa horaa la yidhi: Waari maysidee war hakaa hadho, warka hadhayaa ha ahaado war lagugu maamuuso ee yuu noqon mid lagugu hiifo. Haysku furin maxkamad aad adigu markhaatigeeda isku furto, maxaa yeelay mar uunbaynu gaadhi in sida dunida kale laysku dacweyn karo wixii cid dambi ka galay qoraalkuba ha ka mid ahaadee.

Waxaan dhiiri galinayaa qalinka xalaasha ah, qalinka ummada u reebi kara taariikh hore, kana warami kara dhacdooyinka taagan si ay u ogaadaan jiilka soo socdaa, qalin hormood ka noqonkara aqoon korodhsiy iyo xog kala bogashoba. Ragg iyo dumarba aan ku dadaalo in aan qorno wax anfaca ummada; samaan ka talisna ah een tafaraaruq iyo iska horkeen abuurayn, anynu u tudhano shaqsiyadeena si marka dib loo dhawro waxaad qalinka ku duugtayy laguu karaameeyo. Qor wixii khayr ah ama aad ku boorineyso khayraadka.

Fardawsa Maax Xasan(Nimco)
fardawsan@yahoo.ca

COMMENTS
LINKS